Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku dhow inuu rumeeyo riyada taageerayaasha Arsenal isagoo kooxda koowaad ku soo daray 14 jir mucjiso ah ka hor kulanka Premier League ee Bournmeouth.
Gunners ayaa martigelineysa maanta oo Sabti ah kooxda Bournemouth iyagoo dagaal ugu jira inay hantaan horyaalka Premier League markii ugu horeysay tan iyo 2004tii.
Arteta ayaa kooxdiisa koowaad ku soo darsaday xiddiga u ciyaara kooxda Arsenal ee U-18 Max Dowman kaasoo ay da’diisa tahay kaliya 14 sanno jir.
Dowman ayaa ka ciyaara booska kubadsameeyaha khadka dhexe, waxa uu sidoo kale ka dheeli karaa garabka midig ee weerarka.
In da’ yarkaan lagu soo darro kooxda koowaad ka hor kulanka maanta ayaa ka farxisay taageerayaasha Arsenal kuwaasoo aaminsan in tababare Mikel Arteta uu durba dhisayo mustaqbalka kooxda.
Dowman ayaa seddex kulan u saftay kooxda Arsenal ee U-16, halka uu sidoo kale gool u dhaliyay islamarkaana afar caawin uu u sameeyay kooxda U-18 oo uu shan kulan u ciyaaray.
Arteta ayaa aad ugu fiican inuu fursad ka siiyo Emirates ciyaartoyda da’ yarta ee ku jira akadeemiga.
Ethan Nwaner oo 17 sanno jir ah ayaa taariikh sameeyay labo sannadood ka hor isagoo noqday xiddigii ugu yaraa abid ee ka ciyaara Premier League isagoo 15 sanno jir ah.
Nwaneri ayaa kursiga keydka ka soo kacay isagoo ka caawiyay kooxda Gunners inay 3-0 ku gaaraacaan Brentford ciyaar ka dhacday garoonka Gtech Community.