Waa canug 14 jir ah oo uu soo barbaariyey halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario oo ku haya kulliyadda da’yarta kooxdiisa Real Valladolid oo xilli-ciyaareedkan u dhacday horyaalka heerka labaad ee Spain. Waxa isku haysta kooxo waaweyn oo ka urinaya raadka Ronaldo, isla markaana rumaysan inuu raaci doono waddadii xiddignimada ee R9.
Guilherme ‘Gui’ Ruck oo u dhashay waddanka Brazil, waxa isaga oo 14 jir ah ku dagaallamaya kooxo waaweyn oo reer Yurub ah, sida Paris Saint-Germain, Bayern Munich, Manchester City, Real Madrid iyo Barcelona oo dhamaantood dedaal badan ku bixinaya da’yarkan.
Dadka aan aqoonta u lahayn da’yarkan, ayaa waxa ay isweydiinayaan waxa ay kooxaha waaweyn ku arkeen ee ay ugu dagaallamayaan saxeexiisa, laakiin dadka yaqaanna ama daawaday layaab kuma aha.
Sida uu ku warramayo Flazoeiro oo ka tirsan wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, waxa kale oo Guilherme ‘Gui’ Ruck doonaysa kooxda reer Brazil ee Flamengo oo toddobaadkan la kulantay waalidka, wakiilka iyo inta uu gacanta ugu jiro go’aanka wiilkan yar, waxaanay u bandhigeen heshiis lacag badan ah.
Laacibkan oo magaciisa loosoo gaabiyo Ruck, waxa la sheegay in qandaraaskiisa Real Valladolid lagu burburin karayo €50 milyan oo Euro oo kooxda bixisa ay si fudud kula wareegi karayso.
Ruck ayaa waxa uu ku dhashay waddanka Brazil, waxaana uu hore ugu soo ciyaaray da’yarta kooxaha Vitoria Guimaraes, Braga iyo Porto oo saddexduba reer Portugal ah, waxaana uu mar qarka u saarnaa inuu u wareego Atletico Madrid laakiin si ay noqotayba heshiiska oo la dhamaystiray ayaa burburay. Waxa uu ku dambeeyey Rayo Majadahonda oo uu usii dhaafay Valladolid.