Dhowr xiddig oo kubbadda cagta ah, oo ay ku jiraan Erling Haaland iyo Virgil van Dijk, ayaa magacaabay Cristiano Ronaldo markii la waydiiyay su’aal Champions League-ga ah.
Xiddigaha ugu waaweyn kubada cagta sida Haaland, Van Dijk, Phil Foden, Kevin De Bruyne iyo Trent Alexander-Arnold ayaa la waydiiyay in ay magacaabaan ciyaaryahanka ugu horeeya ee maskaxdooda ku soo dhaca marka ay maqlaan Astaanta Champions League-ga oo ay dhamaantood wada magacaaben xidigii hore ee Real Madrid iyo Manchester Cristiano Ronaldo.
Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoyda loogu jecel yahay kubadda cagta taariikhda Champions League, isagoo ku guuleystay shan jeer horyaalka, afar uu la qaaday Los Blancos iyo hal mar oo uu la qaaday Red Devils.
Waxa uu ka soo muuqday rikoor 183 kulan ah oo uu dhaliyay 140 gool, waana ciyaaryahanka ugu badan ee taariikhda tartankan dhaliyay.
Guulihiisa gaarka ah waxaa dhawaan aqoonsaday xiriirka UEFA markii ay ku siiyeen abaalmarin gaar ah intii lagu jiray isku aadka Champions League 2024-25.
39 jirkaan ayaa sii wada gool dhalinta isagoo todobo jeer shabaqa soo taabtay sideed kulan oo uu u saftay Al-Nassr xilli ciyaareedka socda.