Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa goordhow lasoo gabogabayn doonaa, iyadoo 20ka kooxoodba la siinayo lacago kala duwan oo ku xidhan booska ay ka galeen horyaalka iyo inta jeer ee kulamadooda laga baahiyey telefishannada.
Manchester City iyo Arsenal ayaa midkood la caleemo-saari doonaa, waxaase ay u badan tahay kooxda tababare Pep Guardiola oo sida kaliya ee ay ku waayi karto ay tahay inay guul-darraysato ciyaarta West Ham, sidoo kalena ay Arsenal kasoo badiso Everton.
Ka hor inta aan lagu dhawaaqin kooxda ku guuleysatay horyaalka, waxa aynu ka jawaabaynaa su’aasha ay taageereyaashu iska weydiinayaan lacagta la siinayo kooxda guuleysata iyo naadiyada kale ee horyaalka kula jira.
Koox kasta oo ku jirta horyaalka Premier League, waxa ay heli doontaa lacag dhan £3.1 milyan oo Gini oo kasoo-qaybgalka ah, balse waxa lacago badan oo kale ay ku helayaan baahinta kulamadooda iyo kaalmaha ay galeen.
Sannadkii hore, Manchester City oo horyaalka ku guuleysatay ayaa la siiyey lacag dhan £62.3 milyan oo Gini, halka Arsenal oo labaad ku dhamaysatayna loo shubay £59.1 milyan oo Gini.
Marka la isky geeyo dakhliga guud ee soo galay Manchester City sannadkii hore, waxa ay ahayd £143 milyan oo Gini iyo Arsenal oo la siiyey £141 milyan oo Gini.
Xilli-ciyaareedkan maanta lasoo gunaanadayo, waxa la filayaa in lacagta kooxaha la siinayo aanay wax badan ka sarrayn doonin inta la siiyey sannadkii hore.