Xiddiga reer England ee Bukayo Saka ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka lagu soo xidhayo horyaalka Premier League ee Everton ay kusoo dhoweynayaan garoonka Emirates Stadium, halkaas oo ay Gunners u baahan tahay inay guul ka keento, sidoo kalena ay ku ducaysato in laga qabto Man City.
Bukayo Saka ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda Arsenal ee kusoo bilowday ciyaartan iyo kuwa kaydka ah intaba, waxaana ay kooxdiisu sheegtay inuu u jiifo dhaawac muruqa ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Manchester United ee toddobaadkii hore.
Saka ayaa uu dhaawacu kusoo gaadhay jug uu kala kulmay Sofyan Amrabat oo inta uu garoonka ka saaray ku dul-tuuray tabbeeleyaasha garoonka agtiisa ku yaalla, taas oo keentay in gebi ahaanba ciyaartaas dhaawac lagaga saaro.
Leandro Trossard ayaa beddelay oo garabka midig ee weerarka ka ciyaaraya, iyadoo shaxda koowaad uu dib ugu soo laabtay Gabriel Martinelli oo ay noqonayso ciyaartii koowaad ee uu kusoo bilowdo tan iyo kulankii Sheffield United ee March 4 ee ay xasuuqa 6-0 ah saddexda dhibcood kusoo tirsadeen.
Thomas Partey ayaa booskiisa khadka dhexe ilaashaday oo ay iskaashanayaan Martin Odegaard iyo Declan Rice iyadoo weerarka dhexe loo riixay Kai Havertz.
Shaxda Arsenal ee kulanka Everton
Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Tomiyasu, Partey, Odegaard, Rice, Trossard, Havertz, Martinelli.
Kaydka: Ramsdale, Zinchenko, Timber, Kiwior, Jorginho, Vieira, Smith Rowe, Jesus, Nketiah.