Kabtanka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa shaaca ka qaaday in la filan karo in dhawaan lagu dhawaaqo heshiis cusub oo uu u saxiixi doono kooxda, taasoo soo afjari karta shakigii ka taagnaa mustaqbalkiisa Anfield.
Daafaca reer Netherlands oo 33 jir ah ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka bisha Juun, taasoo dhalisay warar badan oo ku saabsan halka uu ku dambeyn doono xilli ciyaareedka dambe.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imanaya gudaha Liverpool ayaa muujinaya in wadahadalladii qandaraas kordhinta uu Van Dijk kula jiray kooxda ay horumar weyn sameeyeen, waxaana la rumeysan yahay in uu raaci doono dariiqii uu Mohamed Salah u maray saxiixa qandaraas cusub.
Van Dijk ayaa dhaliyay goolka guusha kulankii ay kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay West Ham United, taasoo sii xoojisay rajada Liverpool ee hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kadib ciyaarta, Salah ayaa u sheegay Sky Sports: “Waan ku faraxsanahay inaan heshiis cusub saxiixay ka hor dhammaadka xilli ciyaareedka. Waxaan rajeynayaa in Virgil isna sidaas oo kale uu heshiis cusub saxiixo. Waan ognahay waxa uu rabo – anigana waxaan doonayaa inaan halkan sii joogo.”
Van Dijk ayaa isaguna u muuqday mid diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa ku sii xiro kooxda, isagoo xusay in saxiixiisa cusub si rasmi ah loo shaacin karo kadib xuska sannad-guurada dhacdadii Hillsborough ee toddobaadkan.
“Ugu horreyn, dareenka iyo diiradda waa inay ahaato xuska sannad-guurada Hillsborough,” ayuu Van Dijk u sheegay warbaahinta ciyaarta kadib.
“Marka taas la dhammeeyo, waxaan filayaa in wax badan la ogaan doono. Weli diiraddu waxay saaran tahay kulanka Leicester, balse waxaa laga yaabaa in warar cusub ay soo bixi doonaan.”