Merino ayaa dhaliyay gool kulankii lugta hore ee wareega rubuc-dhamaadka Champions League, markaasoo Arsenal 3-0 uga adkaatay Real Madrid toddobaadkii hore.
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa rajeynaya inuu Gunners u horseedo guul mar kale marka ay lugta labaad wajahaan Los Blancos.
Isagoo ka hadlayay ciyaaryahanka Real Madrid ee uu aadka u jecel yahay, Merino wuxuu u sheegay Cope: “Dhammaantood waa ciyaartoy heer sare ah, dhammaantood waan jeclahay, laakiin midka aan ugu jecelahay, hore ayaan u sheegay inaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Rodrygo.
“Waa ciyaaryahan farsamo ahaan aad u wanaagsan, si fiican ayuu uga ciyaaraa meelaha u dhexeeya khadka dhexe, si fiican ayuu u boos qaataa.
“Runtii waan jeclahay inaan daawado ciyaartiisa. Waa nooca ciyaaryahan ee khad dhexe kasta uu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro.”
Rodrygo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo markii uu Real Madrid kaga yimid kooxda Santos sanadkii 2019.