Xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior ayaa farriin u diray difaaca Manchester City ee Kyle Walker oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii xulalka England iyo Brazil ee Axaddii ka dhacday garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.
Brazil ayaa 1-0 kaga adkaatay England iyadoo goolkana uu dhaliyey dheemanka Real Madrid ee Endrick oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 71aad.
Daqiiqaddii 20aad waxa xulka England dhaawac kaga baxay difaaca midig ee Kyle Walker oo muruqa ay waxyeello kasoo gaadhay isaga oo isku dayaya inuu badbaadiyo kubbad uu Vinicius Junior dhaafiyey goolhaye Jordan Pickford.
Dhaawaca Kyle Walker oo imanaya maalmo ka hor kulamada adag ee Arsenal iyo Real Madrid, ayaa waxa ka hadlay Vinicius Jr, waxaanu yidhi: “Run ahaantii waan ka xumahay. Mar kasta oo uu ciyaartoy dhaawacmo oo uu garoonka ka baxo waa wax laga murugoodo, ma aha kaliya ciyaartoygaas laakiin dhamaantayo inta garoonka ku jirta ayaa murugoona.
“Annagu waxa aanu doonaynaa in aanu la ciyaarno kuwa ugu wanaagsan, Walker, aniu mar walba waxa aan idhaahdaawaa difaaca ugu wanaagsan ee aan abid ka hor tegay, mar walba aad ayuu ugu fiican yahay kubbada lagu loollamo. In badan ayuu i ixtiraamaa, aniguna waan ixtiraamaa isaga, laakiin ciyaartoy kasta waxa uu u dagaallamaa in kooxdiisu noqoto midda ugu wanaagsan adduunyada.”