Vinícius Júnior ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa todobaadkaan kulamadii laga ciyaaray UEFA Champions League.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Madrid ayaa seddexley cajiib ah ka dhaliyay Borussia Dortmund, isagoo kooxdiisa ku hogaamiyay guul soo laabasho 5-2 ah ka dib markii 2-0 lagu hogaamiyay qeybtii hore.
Waxaa xusid mudan in ciyaartoyda kale ee ku tartamaysay xiddiga ugu fiican kulamada 3-aad uu ka mid ahaa xiddiga Barcelona ee Raphinha Dias kaas oo sidoo kale saddexley ka dhaliyay Bayern Munich.
Sidookale xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Monaco ee Takumi Minamino, kaas oo dhaliyay laba gool islamarkaana sameeyay caawin kulankii Red Star Belgrade iyo Rein Deers oo AC Milan ah oo laba gool ka dhaliyay Brugge ayaa tartanka uu kaga awood badiyay Vinícius Júnior.
Vinícius Júnior ayaa hadda isku diyaarinaya kulanka weyn ee El Clasico oo ay kooxdiisa sabtida soo socta kula ciyaareyso Barcelona.