Maalinta uu Carlo Ancelotti dib ugu soo dhaweyn doono Bellingham kulanka Athletic Bilbao ee 31ka March ka dib ganaax labo kulan uu ku maqnaa, waxa uu waayi doonaa Vinicius Jr oo isna ganaax la duldhigay.
Xiddiga reer Brazil waxaa uruuray kaararka diginiinta ee Jaalaha ah taasoo keeneysa inuu macsalaameeyo u ciyaarista Real Madrid ku dhawaad muddo bil ah, wuxuuna Los Blancos u dheeli doonaa kulanka Man City ee 9ka bisha April.
Waxa uu haatan aadayaa xulkiisa Brazil, ka dib waxa uu ganaax ku seegi doonaa kulanka Athletic Bilbao, waxaa ku xiga Copa del Rey oo fasax laga siinayo, waxaana uu soo laaban doonaa kulanka Champions League ee wareega 8da ee la ciyaarayo bisha danbe.
Inkastoo uu seddex kulan oo isku xigta uu shabaqa u soo taabtay Real Madrid horyaalka La Liga, hadana sidoo kale seddex kulan oo isku xigta ayuu jaale qaatay, waana jaale kale uu ku qaatay inuu la dooday garsooraha taasoo ka dhigeysa inay gaartay tiradii uu hal kulan ganaax ku maqnaan lahaa.
Seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay Vinicius Jr waa ciyaaryahanka labaad ee Real Madrid ee ugu jaalaha badan tartamada oo dhan, isagoo qaatay 31 jaale, waxaa kaliya ka sareeya Camavinga oo qaatay 34 jaale.
Laakiin laacibka reer Brazil sidoo kale waa xiddiga labaad ee ugu goolasha badan Real Madrid xilli ciyaareedkan isagoo u dhaliyay 18 gool, waxaa ka sareeya kaliya Jude Bellingham oo 20 gool dhaliyay.