Weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhen ayaa kala doortay dhawr kooxood oo ku tartamaya saxeexiida xagaaga foodda innagu soo haya, markaas oo uu doonayo inuu ka tago kooxdiisa Napoli oo iyaguna ogolaanaya inay iibiyaan.
25 jirkan oo xagaagii hore saxeexay heshiis cusub, ayaa waxa qandaraaskiisa lagu daray qodob dhigaya in 113 milyan oo Gini lagula wareegi karayo, taas oo waqti horeba kooxaha usii caddaysay sida ay ku heli karayaan.
Laacibkan oo Napoli ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore kaddib 33 sannadood oo ay ka qatanayd, ayaa sidoo kale waxa uu u dhaliyey 26 gool 32 kulan oo ahaa xilli-ciyaareedkii tegay oo uu u saftay Napoli.
Kooxo waaweyn oo reer Yurub ah ayaa lala xidhiidhiyey Victor Osimhem sida Manchester United oo doonaysa ciyaartoy kale oo dhaliye ah oo ay ku lammaanayso Rasmus Hojlund, Liverpool, Chelsea, Arsenal, PSG, Real Madrid iyo kooxo ka dhisan Sucuudiga.
Obi Mikel oo ka mid ahaa xiddigihii Chelsea ee ku guuleystay Champions League sannadkii 2012, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa jira xiise dhab ah oo labada dhinacba ah. Waxa aan ku kalsoonahay in Victor uu doonayo inuu tago Chelsea.”