Kylian Mbappe ayaa mar horeba bilaabay inuu ogaado xogta iyo xaqiiqooyinka gudaha Real Madrid oo la filayo inuu u wareego xagaaga foodda innagu soo haya.
Bishii February ayaa si weyn uu usoo baxay warka sheegaya, in Kylian Mbappe uu heshiis la gaadhay Real Madrid oo uu ku biiri doono marka uu dhamaadla xilli-ciyaareedkan socda, isaga oo soo afjaraya waayihiisa PSG oo uu muddo lix sannadood ah u ciyaarayay.
25 jirkan ayaa ku wargeliyey naadigiisa in uu ka tegi doono marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, laakiin Real Madrid iyo isaguba ma aanay shaacin wax heshiis ah oo ay gaadheen.
Sida ay BBC-du ku warrantay, kabtanka xulka qaranka France ee Koobka Adduunka ku guuleystay sannadkii 2018, ayaa waxa uu Real Madrid la gaadhay heshiis shan sannadood ah, isaga oo mushaharkiisuna noqon doono £12.8 milyan oo Gini sannadkii, laakiin waxa u dheeraan doona £128 milyan oo Gini oo ah xaqal-saxeexa heshiiska iyo xuquuqda sawirka oo uu saami badan ku yeelan doono.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in uu mar horeba kasii shaqaynayo shaxda uu ku ciyaari doono iyo sida uu iskula qabadsiin doono Kylian Mbappe iyo Jude Bellingham.
Sida uu ku warramayo wargeyska Marca, Kylian Mbappe ayaa waxa uu la hadlay kabtankii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos oo ay laba sannadood ka wada ciyaareen Parc des Princes iyo difaaca ay saaxiibbada ku yihiin PSG ee Achraf Hakimi oo uu si joogto ah ugala sheekaysto sida ay tahay nolosha Madrid iyo qaabka looga dhaqmo gudaha kooxda Real Madrid.
Warka ayaa intaa ku daray, in labaduba ay kula taliyeen Mbappe inuu tago Real Madrid, waxaase cajiib ah in Mbappe uu doonayo in Achraf Hakimi oo ay saaxiibbo dhow yihiin uu usoo raaco Real Madrid oo uu kasoo baxay kulliyaddeeda ka hor intii aanay u dirin Borussia Dortmund oo uu usii dhaafay PSG.