Manchester United ayaa qarka u saaran inay xaqiijiso magacaabista ku xigeenka cusub ee kooxda Ruud van Nistelrooy.
Ruud van Nistelrooy waa mid ka mid ah laba tababare oo cusub oo ku soo biiraya shaqaalaha tababarka ee Manchester United, oo uu weheliyo Macalinkii Go Ahead Eagles ee Rene Hake.
Van Nistelrooy ayaa haatan United u saxiixay heshiis labo sano ah.
Sida laga soo xigtay The Mail, Ruud van Nistelrooy ayaa durba wadahadal la yeeshay Zirkzee, kaasoo dhawaan u saxiixi doona kooxda heshiis.
Zirkzee ayaa dooqiisa koowaad ka dhigay Manchester United, iyadoo la sheegay inuu meesha ka saaray xiisahiisa ku aadan Arsenal.