Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay Liverpool kula dagaalanto adeega weeraryahanka Newcastle United ee Anthony Gordon inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Liverpool ayaa haatan si aad ah loola xiriirinayaa xiddiga heerka caalami ee dalka England kaas oo Newcastle kaga soo biiray Everton bilowgii 2023, laakiin Reds ayaa haatan tartan adag kala kulmi karta saxiixiisa.
Man City ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro Gordon, iyadoo Citizens ay dooneyso inay sahamiso dhaqaalaha ku hareereysan heshiiska xagaaga ee 23 jirkaan.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Liverpool ay weli wadahadalo kula jirto Newcastle, laakiin Reds ayaa ilaa hadda meesha ka saartay dalabaadka sare ee Newcastle oo ku aadan weeraryahankii hore ee Everton.
Waxaa jiray soo jeedin ah in Newcastle ay ku rabto Gordon ugu yaraan 75 milyan ginni, iyadoo wax-ku-kordhinta laga yaabo inay ku dhowdahay 100 milyan ginni, taasoo ay u badan tahay inay dhibaato ku tahay Liverpool.
Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa la sheegay inuu doonayo in kooxdiisa ay la soo wareegto weeraryahan ‘wax dilaya’ xagaagan, imaatinka Gordon ayaana shaki gelinaya mustaqbalka Jack Grealish ee kooxda.
Grealish, oo laga saaray xulka England ee Euro 2024, ayaa ku dhibtooday inuu bandhig u muujiyo Citizens intii lagu jiray ololihii 2023-24.
28 jirkaan ayaa kaliya seddex gool dhaliyay seddexna caawiye ka ahaa 36 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan kooxda Guardiola, waxaana dhawaanahan jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa.
Grealish ayaa seddex sano oo kale uga harsan tahay inuu qandaraaskiisa Etihad Stadium uu dhaco, laakiin waxaa jiray warar sheegaya in loo ogolaan karo inuu ku baxo qiimo ku habboon inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Gordon ayaa heysta rikoor 13 gool iyo 11 caawin ah 64 kulan oo uu u saftay Newcastle, halka guud ahaan rikoorkiisa Premier League ee Magpies iyo Everton uu yahay 19 gool iyo 13 caawin 116 kulan oo uu saftay.