Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa ka tagay Cristiano Ronaldo markii la weydiiyay inuu magacaabo xiddigihii ugu adkaa ee uu wajahay.
Madaama uu ka mid yahay daafacyada ugu fiican dunida, Virgil van Dijk wuxuu garanayaa shay ama laba ku saabsan la macaamilka weeraryahannada heerka caalami.
Xiddiga Liverpool ayaa kooxda Jurgen Klopp uga soo biiray Southampton heshiis 75 milyan ginni ah bishii Janaayo 2018kii, waqtigaas oo ay aheyd lacagtii ugu badneyd ee lagu iibsaday daafac.
Tan iyo markaas Van Dijk waxa uu kooxda kula guuleystay shan koob oo waaweyn, oo ay ku jiraan Champions League 2019kii iyo Premier League 2020kii.
Xiddiga reer Holland ayaa ka horyimid weeraryahanada ugu fiican dunida intii uu u ciyaarayay Liverpool iyo wadankiisa Netherlands, inkastoo markii la weydiiyay inuu magacaabo xiddigihii ugu adkaa ee uu abid wajahay uu iska indhotiray Cristiano Ronaldo.
Bedelkii uu dooran lahaa xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or, Van Dijk ayaa doortay Lionel Messi, Erling Haaland, Sergio Aguero iyo Olivier Giroud.
Isagoo u hadlayay barnaamijka Rest is Football, Van Dijk ayaa sharaxay sababta uu u doortay Haaland iyo weeraryahankii hore ee Man City Aguero.
“Waxaan dhihi lahaa Erling Haaland waa xiddig ay adag tahay in laga horyimaado, aad ayuu u xoogan yahay, waa weeraryahan casri ah” ayuu yiri Van Dijk.
“Si toos ah ayay kuu abaarayaan, haddii aad siiso inji way ku ciqaabayaan.
“Waa la mid ah Aguero, Goolal badan nagama uusan dhalinin laakiin markii aan ka horimaan jiray waqtigeygii Southampton wuxuu ahaa mid dhib badan, wuxuu kubada ku dhameystiri karaa labada cag.”
Inkastoo taageerayaasha qaar ay la yaab ku aheyd inuu doortay Giroud, Van Dijk ayaa sharaxay sababta uu u qiimeeyo weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Chelsea.
“Waxa uu ahaa ciyaaryahan isfaham weyn uu kala dhaxeeyay Hazard, mar walba Hazard ayaa kubada u soo dhigayay isagana kubada wuu koontaroolayay.” ayuu yiri.
“Goolal aad u fiican ayuu iga dhaliyay. Mar walba aan is iraahdo ma dhalinayo, wuu dhalinayay.”