Hansi Flick ayaa ku faraxsan kulanka Arbacada Champions League uu ku wajahayo kooxdiisii hore ee Bayern Munich, inkastoo uu durba dareemay sidii inuu joogo guriisa oo kale waayihiisa cusub ee Catalan.
Barcelona ayaa hogaanka La Liga heysa kadib sagaal guul oo ay heleen 10 kulan oo ay ciyaareen, kulankii ugu dambeeyay 5-1 ayay ku xasuuqeen Sevilla Axadii.
Barcelona seddex dhibcood ayay ka heleen laba kulan oo Champions League ah, kadib guuldarradii ay kala kulmeen Monaco, waxay 5-0 ku garaaceen Young Boys.
Kulanka seddexaad, Blaugrana waxay wajihi doontaa Bayern – waa kooxdii hore ee Flick uu hogaaminayay markii ay xasuq ba,an ay u geysteen Barcelona oo uu haatan hogaaminayo isla isaga.
Intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2021, Bayern waxay celcelis ahaan heshay guulaha ugu sarreeya ee Bundesliga (62.55%) waxayna ku guuleysatay koobab badan.
Flick xasuus wacan ayuu u leeyahay waqtigiisii Bavaria, balse taa bedelkeeda wuxuu rabaa hadda in uu Barca ku hogaamiyo guul niyadeed sare u qaadi karta ka hor kulanka Real Madrid ee El Clasico.
Bayern xusuuso gaar ah ayay ku leedahay nolosheyda, waa naadi aad u fiican, waxaan la leeyahay xiriiro badan ciyaartoyda iyo maamulka, “Flick ayaa ka yiri shirkiisii jaraa,id ee caawa.
“Waxaan wada qaadanay waqti fiican xusuustayda. Laakiin hadda waxaan kujiraa cutub cusub, halkan ayaan ku faraxsanahay, aad ayaan u faraxsanahay. waxaan rabaa inaan guulo badan ka sameeyo.