Xiddiga reer France ee Karim Benzema ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaanta oo ka hadlay mustaqbalkiisa uu mugdigu ku jiro, iyadoo la sheegayo inuu ka tegayo kooxdiisa horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad ee xagaagii uu u wareegay.
36 jirkan ayaa u saxeexay Al-Ittihad heshiis saddex sanadood ah markii uu ka tegay Real Madrid, isaga oo ka mid noqday xiddigo waaweyn oo uu Sucuudigu kulmiyey sida Cristiano Ronaldo, Neymar, Riyad Mahrez, Jordan Henderson, N’Golo Kante, Roberto Firmino, Fabinho iyo kuwo kale.
Laacibkan ayaa la sheegay in uu raacayo dariiqa Jordan Henderson oo ka degay Ajax isla markaana kasoo xidh-xidhay Al-Ettifaq, waxaase ay su’aal ka taagan tahay kooxda uu tegi doono, iyadoo lala xidhiidhinayo Manchester United, Lyon, Chelsea iyo Arsenal.
Karim Benzema ayaa waxa la xidhiidhay wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, waxaanu weydiiyey waxa ka jira wararka suuqa ku jira ee sheeaya inuu ka tegayo Al-Ittihad bishan January, waxaanu ku jawaabay: “Gebi ahaanba waa been. Saxaafadda Faransiisku ma garanayso sida loo wax loo akhtiraaco [Inuu ku laabanayo Lyon].”
Intaas kaddib ayuu Benzema yidhi hadal ka farxiyey kooxaha Ingiriiska, waxaanu yidhi: “Halka weyn ayaa wanaagsan.”
Hadalkan ayaa loo turjumay inuu doonayo inuu tago horyaalka Ingiriiska oo uu ka doorbidayo inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Lyon.