Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa u damaanad-qaadday Manchester City lacag dhan £53 milyan oo Gini oo ay ku helayso tartanka Champions League, taas oo ka caawinaysa kooxdaas in ay dhaqaale ahaan u dareento xasillooni xataa iyadoo aan la gaadhin waqtiga ay tartankaas ciyaarayso.
Manchester City ayaa waxa ay lacagtan ku helaysaa ka qayb-galka tartanka Champions League oo 36 kooxood laga dhigayo xilli-ciyaareedka dambe, laakiin haddii ay ku guuleysato waxa ay heli doonaan £133.5 milyan oo Gini, halka xilli-ciyaareedkii hore ee ay ku guuleysteen koobka ay UEFA u shubtay £117 milyan oo Gini.
Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaga soo baxa afarta sare ee ka qayb-gala tartanka Champions League ayaa iyagana loo kala jajabin doonaa lacag la filayo in ay ka hoosayn doonto midda la siinayo Man City, sababtoo ah waxa jaangoynta qayb ka noqon doonta halka ay koox walba kaga jirta qiimaynta UEFA.
Haddii Man City ay ku guuleysato tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedkan, waxa sii kordhi doonta lacagta Man City la siinayo oo noqon doonta £137.21 milyan oo Gini, waxaana ku kordhaysa £3.67 milyan oo Gini.