Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay shaxda ugu fiican todobaadka Champions League kadib kulamadii lugta hore ee wareega 16-ka oo ay ka dhaceen ciyaaro xiiso leh.
Kooxaha Arsenal, Real Madrid, Bayern Munich, Liverpool, iyo Barcelona ayaa dhammaantood guulo muhiim ah gaaray kulamadii ay ciyaareen, iyagoo muujiyay awoodooda tartankan.
Shaxda todobaadka ayaa waxaa ku jira xiddigo soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah oo kooxahooda ku hogaamiyay guulo muhiim ah.
Kooxda Arsenal ayaa ah tan ugu badan ee xiddigo ku leh shaxda, iyadoo laba ciyaaryahan oo Gunners ah lagu soo daray.
Dhanka kale, kooxaha Liverpool, Bayern Munich, Real Madrid, Aston Villa, Club Brugge, Inter Milan, Borussia Dortmund, iyo Barcelona ayaa min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka Champions League.
Go’aanka UEFA ayaa yimid kadib markii la qiimeeyay bandhigyada shaqsiyeed ee xiddigaha iyo sida ay ugu guuleysteen inay saameyn ku yeeshaan natiijooyinka kulamada la ciyaaray.