Weeraryahanka kooxda Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa loo doortay Xiddiga Todobaadka ee UEFA Champions League kaddib bandhig layaab leh oo uu ka sameeyay kulankii ay kooxdiisu la ciyaartay Manchester City.
Mbappé ayaa ku guuleystay abaalmarintan kadib markii uu helay codad badan oo laga dhiibtay mareegta uefa.com, isagoo ka adkaaday ciyaartoyda kale ee la tartamayay oo ay ka mid ahaayeen Orkun Kökçü, Vitinha, iyo Lang.
Inkastoo ay jireen bandhigyo kale oo heer sare ah toddobaadkan, haddana Mbappé wuxuu si cad u ahaa ciyaaryahanka ugu fiican. Wuxuu si weyn u xambaarsaday kooxdiisa, isagoo waji ka waji la kulmay koox difaacaneysa horyaalka ingiriiska.
Saddexleyda uu dhaliyay ayaa ahayd mid qurux badan, waxeyna goolashiisa mid walba laheyd tayo gaar ah oo ka dhigtay bandhigiisa mid la xusuusan doono.
Mbappé ayaa haatan diiradda saaraya wajiga xiga ee Champions League, halkaasoo Real Madrid ay la ciyaari doonto Atletico Madrid, sidoo kale wuxuu isku diyaarinayaa kulamada horyaalka La Liga ee ay la leeyihiin Girona iyo koobka Copa del Rey ee ay la ciyaari doonaan Real Sociedad.