Ronaldo ayaa shabaqa soo taabtay 140 jeer tartamada kooxaha Yurub.
Cristiano Ronaldo ayaa aad ugu farxay markii uu helay abaal-marin uu ku mutaystay in uu ahaa xiddiga abid ugu goolasha badan tartanka champions League.
Ronaldo, oo 140 jeer shabaqa soo taabtay tartanka, ayaa abaal-marintan la guddoonsiiyay ka hor isku aadka wareegga koowaad ee horyaalka oo lagu qabanayay magaalada Monaco.
Kadib markii uu ka gudoomay abaal marinta madaxwaynaha UEFA Aleksander Ceferin, Ronaldo ayaa yidhi:
Aniga waa ii farxad inaan halkaan joogo.
Abaalmarintan macno weyn ayey ii leedahay.
Champions League waa kan ugu sareeya kubada cagta, rikoorada ayaa iska hadla laakiin in la ciyaaro tartankaas waa mid gaar ah.
Aad bay u fiicantahay inaan halkaan joogo, waxaan leeyahay xasuus wanaagsan markaan u imid Monaco xafladan galaha ah.
Inkastoo Ronaldo uusan hadda ka ciyaarin Champions League maadaama uu ka tirsan yahay kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga, haddana wuxuu leeyahay xusuus wanaagsan oo tartankaas ah.
“Nolosheenu waa xusuus, waxaana haystaa kuwo aad u wanaagsan.
Aan aragno waxa mustaqbalka keenaya.
Had iyo jeer waxaan xusnaa kan ugu horreeya, waa kan ugu gaarka ah.
Waxaan xasuustaa markii aan joogay Manchester, waxaan dhaliyay finalkii, waxaan khasaariyay rigoore, waxayna ahayd mid gaar ah.’
Sida uu tilmaamay, Ronaldo wuxuu Manchester United kula guuleystay Champions League 2008dii markaasoo Red Devils ay rigoorayaal kaga badisay Chelsea finalkii.
Waxa uu tartanka kula guuleystay afar jeer Real Madrid – 2013-14, 2015-16, 2016-17 iyo 2017-18.
Ronaldo ayaa sidoo kale u ciyaaray Juventus Champions League.
Lionel Messi, oo xifaaltan kula jiray Ronaldo intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, ayaa ah ciyaaryahanka labaad ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League isagoo dhaliyay 129 gool.