Wixii Ku Dhacay Austria waxaa wada arkayay dunida oo dhan oo waxa si xun u bahdishay Turkey.
Xulka Austria ayaa guuldaro 1-2 kaga soo gaartay xulka Turkiga iyadoo Merih Demiral uu labo gool dhaliyay.
Austria ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-ka ay ku jireen kooxo waa wayn sida France iyo Netherlands.
Waxa ay guulo ka diwaan galiyeen Netherlands iyo Poland, balse caawa afka ayaa ciida loo daray.
Sidoo kale Turkiga ayaa si wanaagsan u soo baxay iyagoo labo guul gaaray heerka group-yada waxayna ku dhameysten kaalinta labaad.
Goolka qudha ay dhalisay Austria waxay ka heshay M. Gregoritsch.
Xiddiga Turkiga ee Demiral ayaa noqday daaficii ugu horeeyay ee 2 gool ka dhaliya tartankan tan iyo Jean Francois Domergue oo 1986 labo gool dhaliyay kulankii France iyo Portugal.
Waa Markii ugu horeysay uu Turkiga gaaro wareega 8da ee Euro tan iyo 2008-dii.
Turkiga ayaa wuxuu la ciyaari doona wareega 8da Xulka Netherlands.