Tababarahii hore ee kooxda Chelsea, Thomas Tuchel, ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo kula jiro xulka qaranka ingiriiska si uu u noqdo tababarahooda kadib guuldarradii 2-1 ee ay ka soo gaartay Giriigga ciyaaraha Nations League.
Weriyaha ka tirsan Bild, Christian Falk, ayaa sheegay in Tuchel, oo xilli ciyaareedkii hore ka tagay Bayern Munich, uu haatan wada xaajood kula jiro xulka qaranka ingiriiska.
Warkan ayaa soo baxay ka dib markii Lee Carsley, tababaraha ku meel gaarka ah, uu shaki geliyay mustaqbalkiisa, isagoo soo jeediyay iney u badan tahay inuu ku laabto xilkiisii xulka da’yarta (Under-21s).
Tuchel wuxuu guulo waaweyn ka soo hooyay kooxaha sida Chelsea, oo uu kula guuleystay Champions League, iyo Paris Saint-Germain, halkaas oo uu ku guuleystay koobab badan.
Waxa kale oo Tuchel lala xiriirinayaa Manchester United maadaama Erik ten Hag uu wajahayo cadaadis dhanka taageerayaasha kooxda. Ma cadda haddii xiriirka kubadda cagta Ingiriiska (FA) ay heshiis la gaari doonaan Tuchel.
Xulka qaranka Ingiriiska waxa uu ciyaarta Nations League ee soo socota la ciyaari doonaa Finland Axadda.haddii xulka ingiriiska uu guuldarro kale kala kulmo Finland, waxey ubadan tahay in durbadiiba isbeddel degdeg ah uu ku dhici doono maamulka xulka.