Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa loo magacaabay maanta macalinka cusub ee xulka qaranka England, wuxuu qalinka ku duugay heshiis 18 bilood ah oo uu ku hogaamin doono xulka Three Lions.
Tuchel oo wayesigii ugu horeeyay bixiyay isagoo tababaraha xulka England ah, wuxuu yiri ”Aniga iyo Anthony oo ah kaaliyahayga shaqada, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan England uga dhigno mid guuleysta markasta.
Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo FA-ga, gaar ahaan ragga lagu magcaabo Mark iyo John, kalsoonidii ay isiiyeen, waxaana rajeynayaa inaan si wadajir ah u bilaawno safarka cusub aniga iyo dhamaan dhaqaalaha xulka qaranka England.
Madaxa FA Mark Bullingham ayaa sidoo kale sharaxay sababta ay u doorteen Tuchel. Wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan shaqaaleysiino Thomas Tuchel, oo ah mid ka mid ah macalimiinta ugu fiican adduunka iyo Anthony Barry oo ah mid ka mid ah tababarayaasha Ingariiska ugu fiican.
Waxaan aragnay kartida Tuchel, waxaan la fariisanay dhowr sacadood. Wuxuu noo sharaxay wuxuu rabo inuu qabto waana ku qanacnay ayuu hadalkiisa raaciyay gudoomiyaha FA-da.
Tuchel oo Chelsea maamulay 100 ciyaarood. Wuxuu ku guuleystay Champions League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay, wuxuuna sidoo kale hantay UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.