Wargeyska FouFourTwo ayaa soo saaray 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda kubadda cagta Barcelona, waxaana ku jira xiddigo uu raadkoodu sii qoyan yahay oo dhowaan ka tegay naadiga, sida Sergio Busquets oo xagaagii ku dhawaaqay in uu ka tegay Barcelona.
Sergio Busquets oo Barcelona kusoo biiray sannadkii 2005 oo uu kulliyadda galay, ayaa saddex sannadood kaddib usoo dallacay kooxda koowaad oo uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay.
Muddo 15 sannadood ah oo uu u ciyaarayay Barcelona, waxa uu Sergio Busquets u saftay in ka badan 700 ciyaarood oo uu kula guuleystay 31 koob oo ay ku jiraan saddex Champions League, siddeed horyaal oo midkii sagaalaad ay hadda ku siqayaan iyo koobab kale.
Barcelona oo aan horyaalka LaLiga ku guuleysanin tan iyo sannadkii 2019, ayaa xilli-ciyaareedkii tegay ku guuleysatay, waxaanay guushaas ku sagootiday Sergio Busquets.
Haddaba, halkee ayuu Sergio Busquets kaga jiraa liiska halyeeyada Barcelona? Su’aashan waxa ka jawaabay wargeyska FouFourTwo oo magacaabay 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda Barcelona.
Halkan kaga bogo 50ka ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda Barcelona iyo booska uu kaga jiro Sergio Busquets
50. Yaya Toure
49. Abelardo
48. Marc-Andre Ter Stegen
47. Giovanni van Bronckhorst
46. Gary Lineker
45. Javier Mascherano
44. Lilian Thuram
43. Eric Abidal
42. Rafael Marquez
41. Jordi Alba
40. Johan Neeskens
39. Paulino Alcantara
38. Hristo Stoichkov
37. Victor Valdes
36. Migueli
35. Patrick Kluivert
34. Ivan Rakitic
33. Sandor Kocsis
32. Thierry Henry
31. Josep Escola
30. Gheorghe Hagi
29. Pedro
28. Carles Rexach
27. David Villa
26. Evaristo de Macedo
25. Romario
24. Luis Suarez (Uruguayan striker)
23. Dani Alves
22. Neymar
21. Luis Suarez (Waxa uu ahaa halyeygii Spain & xiddigii ugu horreeyey ee Barcelona ee ku guuleystay Ballon d’Or)
20. Josep Samitier
19. Pep Guardiola
18. Rivaldo
17. Gerard Pique
16. Luis Enrique
15. Laszlo Kubala
14. Andoni Zubizarreta
13. Ronaldo Nazario
12. Carles Puyol
11. Sergio Busquets
10. Michael Laudrup
9. Cesar Rodriguez
8. Ronald Koeman
7. Samuel Eto’o
6. Diego Maradona
5. Ronaldinho
4. Johan Cruyff
3. Andres Iniesta
2. Xavi
1. Lionel Messi