Tababareyaasha kubadda cagta caadi ayay u tahay inay ku murmaan garoomada dhaxdooda, mararka qaarkood la kala qabto iyagoo dagaal iskugu badheedhaya, sidoo kalena ay iskugu jawaabaan shirarka jaraa’id oo ay hadallo isku weeraraan.
Waxa qaarkood saameeya xamaasadda gudaha garoonka oo illowsiisa inay ku dhaqmaan shuruucda, waxaana la diiwaangeliyaa mararka qaarkood tababareyaal is-xajin kari waayey oo garoonka tallaabooyin soo gala, halka qaarkoodna ay garsooreyaasha isku dhacaan.
Warbixintan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa xogta tobankii tababare ee xafiiltanka ugu adkaa uu kusoo dhax-maray kubadda cagta, waxaanay kasoo bilaabmayaan Sir Alex Ferguson, Wenger iyo Jose Mourinho oo saddexdoodu si saddex-xagal ah ugu xafiiltami jiray horyaalka Premier League.
Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger oo muddo dheer laylinayey kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa muddo kusooi loollamay horyaalka Premier League gaar ahaan sannadihii 1990-meeyihii ka hor intii aanay Chelsea saaxadda qabsanin ee aanay tartanka kula soo biirin horraantii 2004tii.
49 jeer ayay iska hor yimaaddeen Ferguson iyo Wenger, waana labada tababare ee xafiiltankii ugu adkaa uu kusoo dhax-maray kubadda cagta, waxaana loo diiwaangeliyey waqtiyo ay ku sigteen inay gacanta iskula tagaan.
Xafiiltanka kale ee ugu adkaa waa midka maanta kusoo dhamaanaya horyaalka Premier League ee Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp oo uu loollankoodu kasoo bilowday horyaalka Bundesliga ee waddanka Germany, illaa haddana kasii socda horyaalka Premier League.
Waa kuwan tababareyaasha xafiiltanka ugu badan ku dhax-maray gooroomadu | ||
---|---|---|
No. | Tababareyaasha xafiiltamay | Kulamada ay iska hor yimaaddeen |
1. | Sir Alex Ferguson vs Arsene Wenger | 49 |
2. | Pep Guardiola vs Jurgen Klopp | 29 |
3. | Pep Guardiola vs Jose Mourinho | 25 |
4. | Arsene Wenger vs Jose Mourinho | 19 |
5. |
Sir Alex Ferguson vs Kevin Keegan
|
19 |
6. |
Rafa Benitez vs Sir Alex Ferguson
|
16 |
7. |
Brian Clough vs Don Revie
|
8 |
8. |
Jose Mourinho vs Rafa Benitez
|
19 |
9. | Gary Megson vs Neil Warnock | N/A |
10. |
Arrigo Sacchi vs Fabio Capello
|
1 |