Toni Kroos ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto waajibaadka qarankiisa Germany ka hor inta uuna kabaha siibin.
Inkastoo weli lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican kubada cagta adduunka, Kroos ayaa ka fariisanaya kubada cagta, iyadoo kulankiisii ugu dambeeyay ee Real Madrid uu noqday finalka Champions League ee Borussia Dortmund.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib Euro 2020, laakiin waxa uu ku soo laabtay qaranka bishii March 2024, waxaana uu ahaa ciyaaryahan muhiim u ah xulka qaranka Euro 2024.
34 jirkaan ayaa kulankiisii ugu dambeeyay ee kubada cagta waxa uu noqday jimcihii wareega 8da taasoo Spain 2-1 kaga badisay tartanka.
Kroos ayaa hadda qabsaday baraha bulshada wuxuuna jeediyay hadal qiiro leh.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabtay (Germany), inkastoo dhammaan murugada iyo xanuunka aan dareemenay tan iyo seerigii ugu dambeeyay ee shalay, waxaan ku arkay xulkan wax ka badan sidii ay muujiyeen sanadihii ugu dambeeyay,” Kroos ayaa sidaasi yiri.
“Laakiin ma aanan fileyn in ay suurtagal tahay in aan helno fursad dhab ah oo aan waqti yar gudahood kor ugu kacno, iyo in aan la simanahay mar kale kuwa ugu fiican!.
Kroos oo la hadlay Jamaahirta Jarmalka ayaa ku booriyay inah garab taagnaadan xulkooda.
Hadda Jarmalku wuxuu dib u soo celiyay awood, ha u ogaalinan inay hoos u dhacdo,kooxdani way sii socotaa.
“Oo wax badan ayey ka caawineysaa haddii aad garab istaagto xitaa waqtiyada xun! Sababtoo ah waxaan kuu xaqiijin karaa hal shay: tani waa xul weyn ah oo wax walba u bixiya si ay u guuleystaan!”
Kroos ayaa sidoo kale raali galin siiyay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Pedri caqabadii keentay in xiddiga reer Spain uu dhaawac jilibka ah ka soo gaadho kulankii wareega 8 dhamaadka.
Pedri ayaa maqnaan doono inta ka harsan tartanka qaramada Yurub, waxaana la filayaa inuu garoomada ka maqnaado ugu yaraan lixda todobaad ee soo socota.
“Raali noqo oo si dhaqso ah u bogso, Pedri! Run ahaantii ma ahayn ujeedkayga inaan ku dhaawaco.
Soo kabasho degdeg ah iyo wax walba oo wanaagsan ayaan ku rajeynaya.
Waxaad tahay ciyaaryahan weyn,” ayuu raaciyay.
Xirfada Kroos ee Germany waxa ay ku soo idlaatay rikoorka 17 gool 114 kulan oo uu saftay,waxana uu koobka aduunka 2014 la qaaday xulkiisa.
Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa rajo ka qabay inuu Kroos ka laabto fakirkiisa ka dib finalkii Champions League, laakiin tababaraha Talyaaniga waa uu ku guuldareystay.