Tababare Thomas Tuchel ayaa lagu qasbay inuu seddex ciyaaryahan ka saaro xulka qaranka Ingariiska.
Macalinka cusub ee Ingariiska ayaa magacaabay xul ka kooban 26 ciyaartooy laakiin sharciga UEFA ayaa dhigaya in kaliya 23 ciyaaryahan loo xulan karo kulan walba.
Taasoo la micno noqotay in Tuchel uu xulka ka diro xiddiga Nottingham Forest Morgan Gibbs-White, daafaca Liverpool Jarell Quansah iyo goolhayaha Southampton Aaron Ramsdale.
Tababaraha reer Jarmal oo la wareegay xulka qaranka Ingariiska bilowgii sannadkan ayaa bilaabaya waayihiisa cusub iyadoo Ingariiska ay caawa oo Jimce ah martigelinayaan xulka Albania kulan ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka.
Tababaraha cusub ayaa ka careysiiyay taageerayaasha xulka Ingariiska markii uu u soo yeeray Jordan Henderson isagoo markii hore iska indhotiray Gibbs-White. Si kastaba markii uu Cole Palmer xulka ka baxay ayaa xiddiga Nottigham Forest loo soo yeeray.
Laakiin Gibbs-White uma muuqdo mid cajibiyay tababare Tuchel iyadoo xiddiga khadka dhexe laga saaray xulka ciyaartoyda Ingariiska ee caawa wajahaya Albania inkastoo uu xiddigaan ka mid yahay laaciibiinta ay ku tiirsan tahay Forest xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale, Ramsdale ayaa booskiisa u waayay goolhayaha Burnley James Trafford, halka daafaca Liverpool Quansah isna laga saaray xulka madaama Tuchel uu magacaabay sideed ciyaartooy oo daafac ah.