Tababaraha kooxda kubadda cagta Brentford ee Thomas Frank ayaa magacaabay xiddig lama filaan ah oo u dhashay waddanka England oo ku guuleysan doona abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.
Ciyaartoy u dhashay waddanka England oo ku guuleysta abaal-marinta Ballon d’Or waxa ugu horreeyey Stanley Matthews oo sannadkii koowaad ee la bixiyo abaal-marintan ee 1956kii la siiyey, waxaana ku xigay Bobby Charlton oo isaguna halmar qaatay, halka Kevin Heegan uu sannadihii 1978kii iyo 1979kii ku guuleystay abaal-marintan.
Michael Owen ayaa isaguna ahaa ciyaartoyga afraad ee reer England ee abaal-marintan ku guuelystay, waana laacibkii ugu dambeeyey oo sannadkii 2001 isaga oo u ciyaaraya Liverpool la guddoonsiiyey abaal-marinta.
Khubarada ciyaaraha ayaa waxa ay hadda u saadaalinayaan in xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham iyo weeraryahanka Bayern Munich ee Harry Kane ay leeyihiin astaamo ay ku noqon karaan xiddig adduun, hase yeeshee tababare Thomas Frank ayaa arrintan sheegay laacib kale oo ku guuleysan karaya.
Thomas Frank oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta Salaasada ee Manchester City ayaa yidhi: “Phil Foden ayaa ah ciyaartoy aad u wanaagsan, aniga aragtidayda, waa ciyaartoyga ugu dhow ee reer England ah ee mustaqbalka ku guuleysan karaya abaal-marinta Ballon d’Or.
“Waxa uu gaadhsiisan yahay heer uu ku guuleysto abaal-marinta, waxa uu saamayn badan ku leeyahay ciyaarta, waxa uu ku fiican yahay goysmada, dhinaca ayuu ka iman karayaa, si adag ayuu u shaqaynayaa. Waxa uu u muuqdaa ciyaartoy aad u wanaagsan maskax ahaan.”
Phil Foden oo saddexlay ka dhaliyey Manchester City 5tii February kulankii ka dhacay Gtech Community Stadium, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan dhaliyey 15 gool iyo 10 kale oo uu caawiyey dhamaan tartamada.