Halyeygii hore ee Arsenal iyo Barcelona, Thierry Henry, ayaa aaminsan in Liverpool ay yihiin kuwa ugu cadcad ku guuleysiga Champions League, maadaama ay si joogto ah u soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in tartanku weli furan yahay.
Liverpool ayaa durba si weyn ugu dhow hanashada horyaalka Premier League, kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Newcastle bartamihii usbuuca, taasoo keentay inay 13 dhibcood ka sareeyaan Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad.
Bishan soo socota, Reds ayaa heli doonta fursaddoodii ugu horreysay ee ay ugu guuleysan karaan koob iyagoo hoos jooga tababaraha cusub, Arne Slot, markay mar kale la ciyaaraan Newcastle, balse markan ay isugu yimaadaan final-ka Carabao Cup.
Qaab ciyaareedkooda cajiibka ah wuxuu sidoo kale ka muuqday tartamada Yurub, iyagoo kaalinta koowaad kaga dhammeystay heerkii guruubyada Champions League, kaddib markii ay badiyeen toddobo kulan siddeedii kulan ee la ciyaaray.
Inkasta oo ay kaalinta koowaad ka galeen guruubyada, Liverpool ayaa nasiib darro wajaheysa isku aad adag oo wareegga 16-ka, maadaama ay la kulmi doonaan Paris Saint-Germain, kuwaasoo si fudud uga soo gudbay wareeggii isreebreebka kaddib markii ay 10-0 ku garaaceen kooxda reer France ee Brest.
Liverpool ayaa toddobaadka soo socda safar u aadi doonta Paris kulanka lugta hore, balse Henry wuxuu rumeysan yahay in kooxda hoggaanka u heysa Premier League ay tahay midda ugu badan ee loo saadaalinayo hanashada Champions League.
“Waa tartan furan. Marka laga reebo Liverpool oo aad dhihi karto waxay si joogto ah u fiicnaayeen horyaalka iyo Champions League,” ayuu Henry u sheegay Goal.
“Waxaad arkaysaa sida ay u guuleysan karaan.”
Henry wuxuu sii waday: “Wali lama hubo! Waxaa jira kooxo aan xasilloonayn. Barcelona, aad ayey ugu fiicnaayeen Champions League, balse horyaalka aad bay u liitaan. Real Madrid si fiican uma aysan bilaaban, waxay ciyaartay isreebreebkii City.”
“Laakiin waxaad ogtahay, Inter, Bayern, Liverpool, mar walba waxaan magacaabeynaa kuwa caadiga ah.”
“Kooxda ugu joogtaynta badan waa Liverpool, marka laga reebo FA Cup. Tartanka kasta si joogto ah ayey u fiicnaayeen. Waa in la arkaa waxa dhici doona.”
Iyadoo dad badan, sida weeraryahanka Barcelona, Yamine Lamal, ay u arkaan Liverpool inay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada Champions League, khabiirka Alan Shearer wuxuu aaminsan yahay in Real Madrid ay wali tahay kooxda ugu adag ee qaadeysa tartanka.