Halyeeyga reer France, Thierry Henry ayaa u doortay Barcelona inay tahay kooxda suurtogalka ay tahay inay ku guuleysato UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Xidigii hore ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa amaan kala dul dhacay kooxda reer Catalan, wuxuuna sheegay in niyad jabkii hore ay ka gudbeen islamarkaana sanadkaan ay heystaan bandhig cajiib ah.
Blaugrana waxa ay shaqaaleysiisay tababarihii hore ee Bayern Munich, Hansi Flick xagaagii, kooxda ayaa dib usoo kabasho badan uu ku sameeyay tababaraha Jarmalka ah xili ciyaareedkaan.
Tan iyo markii ay guuldaro kala kulmeen AS Monaco kulankoodii ugu horeeyay ee Champions League, Barcelona waxay si awood leh ku garaacday Young Boys (5-0 Away), Bayern Munich (4-1 Home), iyo Crvena zvezda (2-5 Away).
Kadib guulahaasi, Henry ayaa u sheegay CBS Sports in Catalan ay tahay kooxda ugu cadcad ee xili ciyaareedkaan ee ku guuleysan karta tartanka Champions League.
“Waxaan u maleynayaa in kooxdan hadda ay tahay in loo tixgaliyo mid ka mid ah kuwa ugu cadcad ee ku guuleysan kara Champions League, taas waa mid qof walba uu ogyahay “ayuu yiri Henry.
Xiddigii hore ee xulka France ayaa Barcelona kula guulaystay koobka kaliya ee Champions League ee uu heysto xilli ciyaareedkii 2008-09, inakstoo waqtigiisa ugu fiican uu ku qaatay kooxda reer England ee Arsenal.