Ruug-caddaaga reer Brazil ee Thiago Silva ayaa u sheegay saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah oo doonayey, in ay candhuuftooda dib u liqaan oo aanay qorshihiisa ku jirin in uu sii joogo horyaalka Premeir League.
Thiago Silva oo toddobaadkii hore shaaciyey in uu dhamaadka xilli-ciyaareedkan ka tegayo kooxdiisa Chelsea ee uu afartii sannadood ee u dambeeyey u ciyaarayay ayaa waxa uu u guuri doonaa oo uu dib ugu noqonayaa waddankiisa Brazil oo uu kaga biirayo naadigiisii carruurnimada ee Fluminense.
Sida uu qoray wargeyska Globo ee kasoo baxa waddanka Brazil, Thiago Silva ayaa heshiis la gaadhay naadigiisii hore ee Fluminense isaga oo iska diiday saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah iyo dhawr kooxood oo Sucuudiga kadhisan oo iyaguna doonayey.
Chelsea oo xilli-ciyaareedkeedu kusoo dhamaan doono Bournemouth oo ay 19 May la ciyaari doonaan, ayaa lagu sii sagootin doonaa Thiago Silva oo markaas kaddib u xidh-xdihan doona kooxdii carruurnimadiisa ee uu u ciyaaray intii u dhaxaysay 2006 illaa 2009, waqtigaas oo uu usii dhaafay AC Milan oo ayad marinkii uu ka galay qaaradda Yurub.