Theo Walcott Oo Tilmaamay AFARTA Ciyaarood Ee Soo Ajfaraya Rajada Liverpool Ee Horyaalak Premier League

ADVERTISEMENT

Theo Walcott ayaa agacaabay afar ciyaarood oo adag oo sababi doona in Liverpool ay lumiso hoggaanka horyaalka Premier League ee ay ku tartamayaan Arsenal iyo Manchester City, kuwaas oo uu xusay in ay caqabad ku noqon doonaan rajada Jurgen Klopp ee ah inuu ku guuleysto horyaalka xilli-ciyaareedkiisa ugu dambeeya Liverpool.

Reds ayaa mar kale hoggaanka Premier League dib ugu laabatay markii ay 3-1 kaga adkaatay kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ee Sheffield United habeenkii Khamiista, laakiin wali saddexda kooxood ee ugu sarreeya horyaalka ayaa waxa kala soocaya saddex dhibcood oo kaliya.

Liverpool ayaa waxa ay Axadda marti u noqon doontaa Manchester United oo hore 4-3 ugaga adkaatay garoonka Old Trafford wareeggii siddeedda FA Cup, sidoo kalena Tottenham ayay kooxda tababare Jurgen Klopp waajihi doontaa.

Halyeygii Arsenal ee Theo Walcott ayaa rumaysan in Liverpool aanay awoodi doonin inay sii haysato hoggaanka Premier League, sababtoo ah afar ciyaarood oo adag oo ay marti noqonayaan, waxaanu yidhi: “Hal arrin oo dhibaato ku noqonaysa Liverpool waa afar ciyaarood oo ay marti noqonayaan kaddib ciyaarta Atalanta ee lugta labaad ee Europa League. Waxay ku keeni doonaan inay hoos usoo dhacdo.

“Afar ciyaarood oo bannaanka ay ku dheelayaan ma aha wax wanaagsan. Waxa jiraya waxyaabo kale oo saamayn badan kugu yeelanaya marka aanad hoygaaga joogin.

“Liverpool sidoo kale ma jecla in ay tagto Goodison Park (Garoonka Everton).”

Afarta ciyaarood ee uu Theo Walcott ka hadlayo ee ay Liverpool martida noqonayso kuma jirto ciyaarta Manchester United ee Axadda, hase yeeshee waa inta ka dambaysa kulanka Atalanta ee lugta labaad ee Europa League, waana Fulam, Everton iyo West Ham oo ah saddex ciyaarood oo isku xigaya iyo Aston Villa oo ay hal kulan u dhaxayn doonto.

ADVERTISEMENT

ADVERTISEMENT

Related Stories

Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

[player id=6467] [player id=6466]