In kasta oo Talyaanigu uu leeyahay ciyaartoy badan oo waaweyn oo dunida kubbadda cagta magac ka sameeyay, magaca Roberto Baggio ayaa ka sarreeya dhammaan kuwa kale ee ay ku faanaan Azuri.
Baggio waxa uu ahaa ciyaaryahan dhamaystiran, leh xirfad dabiici ah, awood farsamo iyo kartida uu ciyaar kasta ugu yeelan karo saameyn gaar ah, waxa uu ahaa gool dhaliye hibo u leh inuu isku muujiyo kulamada waaweyn.
Waxaa kale oo uu caan ku ahaa caqiidadiisa Buddhist ilaa uu gaaro heer diintiisa lagu neynaaso.
Ka dib markii uu isku caddeeyey kooxda heerka hoose ee Vicenza, Baggio ayaa soo jiitay indhaha Fiorentina.
Heshiiskii muranka dhaliyay
Inkastoo xaqiiqda ah in uu gaaray dhawaca nooca daran ee ACL ka hor inta uusan dhameystirmin heshiis muran badan dhaliyay, saraakiisha Fiorentina ayaa go’aansaday inay maalgeliyaan qaliin casri ah oo lagu sameeyay mucjisadii Italia.
Inkastoo dhowr dhakhaatiir ah ay rumaysnaayeen inuusan waligiis awoodi doonin inuu ciyaaro kubada cagta, Baggio wuu soo kabsaday, wuxuuna saftay kulankiisii ugu horeysay ee Seria A 21 September 1986.
Afartii sano oo uu kusugnaa kooxda, Baggio wuxuu noqday mid ka mid ah ciyaartoyda Fiorentina ugu fiican uguna caansan taariikhda.
Baggio ayaa si dhakhso ah caan ugu noqday Talyaaniga oo dhan. markii uu dhawr jeer ka badbaadiyay Fiorentina inay u laabato heerka labaad, khabiiro badan ayaa bilaabay inay ugu yeeraan “lambarka 10” ee ugu fiican dalka Italy.
Xulka Itlia
Koobkii Adduunka 1990, Baggio wuxuu reebay xusuuso gaara ah. Inkasta oo inta badan loo isticmaalay beddel, haddana waxa uu saamayn weyn ku yeeshay xulkiisa oo helay billadda maarta.
Tartankaan, ayaa waxaa aad loogu xusuustaa goolkii uu ka dhaliyay Czechoslovakia, kaasoo markii dambe loogu codeeyay goolkii tartanka ugu quruxda badnaa.
Ka dib markii ay si deg-deg ah isugu dhufsadeen kubad Giannini, Baggio waxa uumaray dhowr ciyaartoy, waxa uu ku khiyaamay kii ugu dambeeyey farsamo cajiib ah, isagoo kubad qurux badan daba mariyey goolhayaha.
Rigoorada Ciqaabta
Kadib guulihiisii koobkii aduunka, Baggio waxa ay Juventus ku iibisatay lacag rikoor ah oo dhan 8 milyan ginni. heshiiskaan wuxuu dhaliyay rabshado ka dhacay waddooyinka Florence, taasoo ku qasabtay Baggio inuu si cad u yiraahdo waa la igu qasbay heshiiska aan kaga tagay Fiorentina.
1991- ayuu diiday in uu rigoore ka dhaliyay kooxdiisii hore taas oo ugu danbeyn keentay in Juventus laga badiyo kulanka.
Si kastaba ha noqotee, wuxuu sii waday inuu horumariyo ciyaartoy ahaan xirfadiisa, ugu dambeyntii wuxuu noqday kabtanka kooxda wuxuuna ku hogaamiyay Juventus UEFA Cup 1993kii.
Maalintii ugu xumeyd Baggio
Baggio waxa uu soo gaaray koobkii aduunka 1994-tii isagoo qaab ciyaareed fiican ku jira, wuxuu ahaa gooldhaliyihii ugu sareeyay Italy intii lagu jiray isreebreebka. Ka dib qaab ciyaareed niyad jab leh oo heer groupyada, Baggio ayaa qaab ciyaareedkiisa ku gaarsiiyay xulka kama dabeysta tartanka, isaga oo dhaliyay 5 gool intii uu socday tartanka. Ka dib ciyaartii finalka ee Brazil ay 0-0 ku dhammaatay waqtigii caadiga ahaa, Baggio ayaa rigoore muhiim ah ku qaatay qaab kalsooni leh, laakiin ugu dambeyn waxay dhaawacday xirfadda Baggio.
Dadka waxay yiraahdaan maalinkaas ayuu dhintay Baggio markii ay tagaeerayaasha ugu hanjabeen in ay gubayaan gurigiisa ku yaala Italia kadib rigooradii uu qasaariyay.
Inkastoo uu maqnaa inta badan xilli ciyaareedkii 1994/95, Baggio ayaa ka caawiyay Juventus inay ku guuleysato horyaalka Seri A iyo koob Coppa Italia. Intaa ka dib, wuxuu waqti ku qaatay Milan, Bologna, Inter, iyo Brescia ka hor inta uusan xirfadiisa soo gabagabeyn 2004.
Maanta, Baggio waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda kubbadda cagta ugu weyn waqtiga oo dhan. 1993-dii, waxa uu ku guuleystay Ballon d’Or, waxaana loo doortay ciyaaryahanka sannadka.
2002, waxaa loogu codeeyay kooxda riyada FIFA World Cup. wuxuu dhaliyay 218 gool 488 kulan oo uu u saftay kubbada cagta, Baggio sidoo kale waa gooldhaliyaha toddobaad ee ugu sareeya Seri A abid.
Baggio waxaa la galiyay madxafka lagu geydiyo dadka ugu sameynta badan kubada cagta Talyaaniga 2011.