Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa qarka u saaran inuu xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta ku guuleystay kabta dahabka Premier League ka dib afartii gool ee uu ka dhaliya Wolves kulankii shalay oo Sabti aheyd.
Man City ayaa 5-1 kaga badisay Wolves iyadoo Haaland uu afar ka mid ah dhaliyay, waxayna taasi ka dhigeysaa inuu hogaanka gooldhalinta ku hayo 25 gool isagoo shan gool ka sareeya xiddiga ku soo xiga.
Laakiin iyadoo kooxaha qaar ay seddex kulan u harsan yihiin halka kuwa kalena ay labo kulan u harsan yihiin weli tartanka waa mid furan oo wax badan ay isbedeli karaan.
Xiddiga kaalinta labaad ku jira waa laacibka Chelsea Cole Palmer oo leh 20 gool, wuxuuna maanta u safanayaa Blues kulanka ay la ciyaarayaan West Ham.
Waxaa 20 gool la leh xiddiga Newcastle United Alexander Isak oo isna kulamadii ugu danbeeyay goolasha u dhalinayay si baashaal ah.
Xiddiga Aston Villa Ollie Watkins oo isbuucyo ka hor hogaaminayay tartanka gooldhalinta ayaa ku dhegan 19 gool. halka xiddiga Bournemouth Dominic Solanke uu leeyahay 18 gool.
Laacibka Liverpool Mohamed Salah oo la filayo inuu dheelo kulanka ay maanta la ciyaarayaan Tottenham uu leeyahay 17 gool.
Tartanka Gooldhalinta Premier League ee Xilli Ciyaareedka 2023/24:
25 gool – Erling Haaland (Man City)
20 gool – Cole Palmer (Chelsea), Alexander Isak (Newcastle)
19 gool – Ollie Watkins (Aston Villa)
18 gool – Dominic Solanke (Bournemouth)
17 gool – Mohamed Salah (Liverpool)
16 gool – Heung-min Son (Spurs), Bukayo Saka (Arsenal), Phil Foden (Man City) Jarrod Bowen (West Ham)