Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay tababare ka dhigato tababarihii hore ee kooxda Manchester United ka dib markii ay ku guuldareysteen Xabi Alonso.
Kooxda reer Jarmal ayaa dagaal fool ka fool ah kula jirtay Liverpool si ay u hesho tababaraha Bayern Leverkusen kaas oo kooxdiisa u horseedaya inay ku guuleysato horyaalka Bundesliga markii ugu horeysay abid.
Alonso ayaa la sheegay inuu doortay inuu sii joogo garoonka BayArena, isagoo weli kooxda la sii qaadi kara koobka German Cup iyo Europa League.
Sida laga soo xigtay majaladda Jarmalka ee Kicker, Bayern ayaa isha ku heyso Ralf Rangnick, oo haatan tababare ka ah xulka Austria ka dib markii uu ku fashilmay Manchester United.
Tababaraha Brighton Roberto De Zerbi waa magac kale oo ku jira liiska musharixiinta, inkastoo tababaraha Talyaanig laga yaabo inuu waayo shaqadaas madaama uusan ku hadlin luqada Jarmalka.
Warbixinta Kicker waxaa lagu sheegay in luqada Jarmalku aysan aheyn gabi ahaanba daruuri laakiin Bayern Munich ay jeceshay inay hesho tababar ku hadli kara luqada dalkaas.
Waxay taasi ka dhigeysaa in Rangnick uu haatan ugu cadcad yahay inuu Thomas Tuchel ka bedelo kooxda Bayern Munich.
65 sanno jirkaan ayaa shaqadiisii ugu danbeysay ee kooxeed waxay aheyd Man United isagoo badiyay kaliya 11 ka mid ah 29kii kulan ee uu hogaamiyay United.
Tababaraha Jarmalka wali si weyn ayaa looga ixtiraamaa dalkiisa, isagoo saameyn ku yeeshay jiil dhan oo tababarayaal ah oo ka soo baxay dalkaas, sidoo kale waxa uu ahaa agaasime isboorti oo guulo waa weyn gaaray.