Tuchel oo shaqo la’aan ahaa tan iyo bishii May markii uu ka tagay Bayern Munich, ayaa Sky Sports News soo warineysaa inuu si rasmi ah wadahadal ula bilaabay FA-ga si uu u noqdo tababaraha xulka Egland.
Tuchel ayaa kasoo hormaray musharaxiinta Jurgen Klopp, Graham. Potter, Eddie Howe iyo Guardiola oo dhamaan lala xiriirinayay shaqada saddexda libaax.
FA-gu ayaa xoojiyay raadinta beddelka Gareth Southgate maalmihii la soo dhaafay, kadib markii la isku raacay in Lee Carsley uusan wadi karin shaqadaan.
Hadda waxay u muuqataa in Tuchel uu yahay dooqa koowaad ee FA-ga, waxaana si dhakhso ah loogu dhawaaqi doonaa inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka England.
Lama baahin faahfaahin badan oo ku saabsan qandaraaskiisa iyo sida uu noqon karo, madaama wali wadahadalka uu socdo.
Tuchel oo ay joojisay Bayern qandaraaskiisii, FA-ga wax magdhow ah ma siin doonaan kooxda Jarmalka.maadaama heshiis is afgarad ah ku kala tageen labada dhinac.