Mustaqbalka Joshua Zirkzee ee Man United ayaa si toos ah isha loogu hayn doonaa iyada oo Ruben Amorim uusan ninkaan u arkeyn dooq ku haboon weerarka kooxdiisa.
Weeraryahanka reer Holland ayaa la dhibtoonayay gool la,aan tan iyo markii uu xagaagii ka yimid Bologna, isagoo kaliya hal gool dhaliyay 17 kulan oo uu saftay, islamarkaana wuxuu boos ka waayay kooxdii Ten hag.
Xili ciyaareedka cusub ee Premier League wuxuu ku bilowday kaliya afar kulan, iyadoo inta kale uu ahaa mid bedel kusoo galayay.
Amorim, oo ka tagay Sporting Lisbon islamarkaana bedelay Erik ten Hag, waxa uu bilaabay shaqadiisa cusub isaga oo go,aanka ugu horeeya ka gaari doona weeraryahanka Zirkzee.
Sida laga soo xigtay The Mirror Flop-kaan tababaraha Portuguese-ka waa inuu xal u helaa haddii uu joogayo Old Trafford iyo haddii uusan qorshaha ugu jirin.
Weeraryahanka ayaa la kulmay dhaleeceyn badan, iyadoo falanqeeyayaasa ay su’aal ka keeneen tayadiisa iyo doorkiisa kooxda.
Sidookale wararka xanta ah ee ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in kooxaha Serie A ka dhisan uu amaah ku aadi karo bisha Janaayo ee soosocta.