Cristiano Ronaldo ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta taariikhda, Sheekadiisu waa mid dhiirri-gelin leh, laga soo bilaabo bilawgiisii ilaa heerka uu hadda joogo oo ah xiddig weyn oo caalami ah.
Warbixintaan, waxaan si qoto dheer ugu eegi doonaa xirfadda Ronaldo, waxa ka dhigay nin guulo badan, waxaan sidoo kale ka hadli doonaa qaar ka mid ah casharrada aan ka baran karno nolosha xiddiga Portugal.
Noloshiisii HoHore
Wuxuu ahaa ilmaha ugu yar Maria Dolores Spinola dos Santos da Aveiro iyo Jose Dinis Aveiro. Ronaldo wuxuu leeyahay laba gabdhood oo walaalo ah, Liliana Cátia iyo Elma.
Hooyadii waxa ay ka shaqeyn cunto karinta halka uu aabbihii ahaa beeraleey.
Qoyska Ronaldo ayaa ahaa kuwo aan nolol fiican haysan, waxaana ay inta badan ku dhibtoonayeen inay helaan nolol maalmeedkooda caadiga ah.
Ronaldo markii uu 3 sano jir ahaa, aabihiis wuxuu u dhintay xanuun dhanka beerka ah. Tani waxay keentay in hooyadii ay keligeed koriso isaga iyo walaalihiis.
In kasta oo ay jiraan dhibaatooyin, waxay go’aansatay inay carruurteeda siiso nolol wanaagsan xitaa haddii ay iyadu u dhimneyso.
Ronaldo markii uu ahaa wiil yar, wuxuu aad u jeclaa kubbadda cagta. wuxuu inta badan saaxiibbadiis kula ciyaari jiray waddooyinka iyo xeebaha Madeira.
Markii uu siddeed sano jir ahaa, Ronaldo waxaa arkay nin kubbadda cagta maxalliga ah ka shaqeyn jiray, Ka dib waxaa la saxiixatay kooxda dhalinyarada ee Sporting Lisbon halkaas oo uu xirfadiisa ka hana qaaday.
Heerkiisa ugu horeeyay ee xirfadeed
Isagoo 18 jir ah, Ronaldo ayaa kulankiisii ugu horeyay u saftay kooxda sare ee Sporting Lisbon. Waxa uu si deg deg ah u soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer Yurub ah kadib qaab ciyaareedkiisii.
2003, waxa ay kula soo wareegtay naadiga Ingiriiska ee Manchester United aduun dhan 15 million oo gini.
Ronaldo ayaa lix xilli ciyaareed ku qaatay Manchester United, xilligaas oo uu kula guuleystay koobab badan oo ay ku jiraan horyaalka Premier League iyo Champions League.
2009, waxa uu ugu wareegay kooxda Isbaanishka ee Real Madrid qiimaha rikoorka adduunka ugu qaalisan abid ciyaartooy lagu iibsado oo dhan 80 milyan ginni.
Ronaldo ayaa sagaal xilli ciyaareed la qaatay Real Madrid, isagoo laba jeer kula guuleystay horyaalka La Liga, saddex jeer Champions League, wuxuuna noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda.
Sanadkii 2016, Ronaldo ayaa heshiis afar sano ah u saxiixay kooxda reer Talyaani ee Juventus oo kula wareegtay aduun dhan 100 milyan oo Yuuro.
Waxa uu kula guuleystay horyaalka Seria A mid kasta oo ka mid ah labadii xilli ciyaareed ee ugu horeysay kooxda.
Kadib wuxuu ku laabtay Man Utd markale isagoo kaga gudbay kooxdiisa haatan ee Al Nasry ee ka dhisan Sacuudiga
Ciyaaraha Caalamiga ah
Ronaldo waxa uu Portugal u matalay koobabkii adduunka ee 2006, 2010, iyo 2014, 2018, 2022. waxa uu qayb muhiim ah ka ahaa guushii Portugal ee Euro 2016,
Ronaldo ayaa sidoo kale ka qeyb galay dhowr Ciyaaraha Olombikada ah, isagoo ku guuleystay billad dahab ah ciyaarihii Olombikada xagaaga ee 2016 lagu qabtay Rio de Janeiro.
Ronaldo waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Portugal, waxaana uu hadda leeyahay in ka badan 900 oo gool koox iyo wadan, wuxuuna hiigsanayaa kun gool inuu kusoo gabagabeeyo xirfadiisa ciyaareed.
Habka uu u Ciyaaro Ronaldo
Ronaldo waa ciyaaryahan qaabab badan u shaqeyn kara, wuxuu awoodaa inuu ka ciyaaro garabka, weeraryahan toos ah ama khadka dhexe ee weerarka ah.
Waxa uu caan ku yahay orod dheer iyo darbooyin awood leh waa dhaliye cajiib ah oo lagu tashan karo kulan kasta.