Kooxda Liverpool ayaa laga reebay Champions League kadib markii ay rigoorooyin 4-1 ah kaga badisay Paris Saint-Germain (PSG) ciyaartii ka dhacday garoonka Anfield. Taageerayaal badan ayaa rumeysan in tababaraha kooxda, Arne Slot, uu sameeyay laba khalad oo waaweyn oo sababay guuldarrada.
Liverpool waxay ciyaarta ku soo gashay iyadoo 1-0 ku hogaaminaysa natiijada guud kadib goolkii uu Harvey Elliott ka dhaliyay Paris lugtii hore. Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa si degdeg ah ciyaarta ugu soo laabatay markii Ousmane Dembélé uu gool dhaliyay daqiiqadii 12-aad kaddib qalad difaac oo uu sameeyay Ibrahima Konaté.
Goolhayaha Liverpool, Alisson Becker, ayaa markale bandhig fiican sameeyay, isagoo sameeyay badbaadino muhiim ah, halka goolhayaha PSG, Gianluigi Donnarumma, uu isna sameeyay badbaadadii ugu muhiimsaneyd, gaar ahaan markii uu badbaadiyay kubbad madax ah oo halis ah oo uu laaday Luis Díaz.
Si kastaba, taageerayaal badan ayaa rumeysan in Arne Slot uu sameeyay labo khalad oo saameeyay natiijada ciyaarta. Dad badan ayaa ku dhaliilay xulashadiisa shaxda ciyaarta, iyagoo su’aal geliyay sababta uu ugu bilaabay Luis Díaz iyo Diogo Jota, halka qaarkood ay la yaabeen sababta uu Federico Chiesa u helin daqiiqado ciyaareed.
Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa qoray: “Waa maxay sababta Slot uu ugu bilaabay Diaz iyo Jota? Waa wax aan la fahmi karin.” Mid kale ayaa yiri: “Slot wuxuu ciyaar kasta ku bilaabaa Diaz iyo Jota xitaa markuu haysto fursado kale.”
Liverpool ayaa ugu dambeyn guuldarro kala kulantay Psg, iyadoo Darwin Núñez iyo Curtis Jones ay labadooduba khasaariyeen rigooreyaashooda, taasoo keentay in PSG ay u gudubto wareegga siddeeda ee Champions League.