Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ay ka maqan yihiin illaa toban ciyaartoy oo muhiim ah kulanka adag ee ay maanta martida u noqonayaan Arsenal oo ay ku booqanayaan garoonka Emirates Stadium oo ay wareegga saddexaad ee FA Cup ku kala bixi doonaan.
Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaan doona inuu sameeyo ugu yaraan saddex beddel marka loo eego safkii uu guusha 4-2 ah kaga soo gaadhay Newcastle United maalintii sannadka cusub.
Mohamed Salah iyo Wataru Endo oo u safray dalalkooda oo ay uga qayb-gelayaan tartamada Qaramada Afrika iyo Qaramada Asia ayaa ka maqan Liverpool, sidoo kalena waxa ciyaartii Newcastle ku dhaawacmay Dominik Szoboszlai oo muruqa dambe ee bowdada lugta bidix wax ka noqday, waxaana saddexdoodaniba ay ka maqan yihiin ciyaartan.
Laakiin waxay Reds dib u heshay oo ciyaartii Newcastle beddel kusoo galay khadka dhexe ee reer Argentina ee Alexis Mac Allister oo kusoo bilaaban doona kulanka Arsenal, laakiin waxa ay kooxdu u dhibaatoon doontaa labada difaac bidix ee Andy Robertson iyo Kostas Tsimikas oo wali u jiifa dhaawacyo.
Andy Robertson oo garabka ka jabay ayaa lagu sameeyey qalliin, sidoo kalena Kostas Tsimikas ayaa ka jabay lafta kalxanta ciyaartii Liverpool iyo Arsenal ee bishii December ee horyaalka Premier League, markaas oo uu tuuray Bukayo Saka isla markaana ay isku dul-dhaceen tababare Jurgen Klopp.
Shantan ciyaartoy, waxa maqnaanshaha ku wehelinaya Owen Beck oo ay Liverpool kala soo noqotay Dundee FC oo uu amaah ugu maqnaa, balse waxa la xaqiijiyey in uu ganaaxan yahay maanta oo uu kaadh digniin ah kusoo qaatay tartanka Scotland oo ay si’ xidhiidh u leeyihiin FA Cup.
Ka sokow lixdaas ciyaartoy, waxa kale oo Liverpool ka maqan Joel Matip oo xilli-ciyaareedka oo dhan u jiifaya jabniin jilibka ah, Ben Doak oo aan la garanayn waqtiga uu soo laabanayo kaddib markii uu jilibka wax ka noqday, Thiago Alcantara oo ay garoomada ugu dambaysay bishii April ee sannadkii hore, balse la filayo inuu bisha January soo laabto iyo da’yarka khadka dhexe ee Stefan Bajcetic oo isagana aan la hubin waqtiga soo laabashadiisa.