Halyeeyga kubadda cagta caalamka Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuusan dooneynin inuu ka fariisto ciyaaraha waqti dhow, isagoo ku adkeystay inuu heysto sanado dheeraad ah oo uu kusii ciyaaro heerka ugu sareeya.
Messi oo lagu sheego inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ebid, wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka iyo labo Copa America waayihiisa Argentina.
37 jirkaan, ayaa sidookale ku guuleystay koob kasta oo uu ciyaaray heerka kooxaha, waxaa ugu dambeeyay guulihii Inter Miami ee MLS,
Messi oo la filayay inuu si dhaqso ah isaga fariisto ciyaaraha, maadaama wax kasta uu qaaday hadda wuxu leeyahay wali waan sii ciyaari karaa waqti badan.
Waqti xaadirkaan, ma jecli inaan go,aan gaaro, waxaan isku dayaa inaan ku raaxaysto maalin kasta. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadan karo heerka ugu sareeya sanado. waxaan dareemayaa wanaag.
Messi ayaa la weydiiyay hadii uu ciyaari karo tartanka 2026 Koobka Adduunka, wuxuu yiri kama fikirin waxaan ka yeelayo Koobka Adduunka, laakiin waxaa maalin kasta dareemayaa inaan ku raaxeysanayo heerka ugu fiican.
Haddii Messi uu ciyaaro tartanka koobka adduunka 2026 kuna guuleysto, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee abid ku guuleysta Koobka Adduunka isagoo ah kabtanka qarankiisa laba jeer oo kala duwan.
Italy iyo Brazil ayaa u ahaa dalalka ku guulaystay laba jeer oo xiriir ah koobka adduunka, waxaase u qaaday kabtano kala duwan.