Tartanka UEFA Champions League ayaa soo laabtay, inkastoo tartanka kooxaha Yurub uu leeyahay muuqaal aad uga duwan xilli ciyaareedkii hore.
Ma aha oo kaliya in tartanka inuu ka kordhay tiradii hore ee aheyd 32 kooxood oo uu gaaray 36, laakiin taageerayaal badan ayaa wali ku dhiban in ay la qabsadaan qaabka cusub ee tartanka loo ciyaarayo.
Wareegii hore ee Group-ka ayaa meesha laga saaray, waxaa la lagu bedelay qaab horyaal oo kale aj oo kooxaha dhami wada ciyaari doonaan sideed kulan waxay laba jeer ka badan tahay qaabkii hore ee tartanka loo ciyaari jiray.
Sideedda sare waxay xaqiijinayaan inay usoo baxeen wareega 16-ka, halka kooxaha ku dhameysta inta u dhexeeya sagaal ilaa 24 ay ku tartami doonaan wareeg isreebreeb cusub si loo helo 8 koox kale oo ku biira 8 hore ee ugu soo baxday knockout.
Opta iyo supercomputer ayaa awood u yeeshay in ay saadaaliyaan koox kasta oo ugubi kara wareega 16ka.
Saadaasha kooxaha supercomputer usoo xushay inay usoo bixi karaan wareega 16ka waxay kala yihiin.
Liverkusen
BVB
Man City
Liverpool
Roma
Real Madrid
Arsenal
Juventus
Inter
Bayrn Munich
Aston Villa
Barcelona
Benfica
Sporting CP
Atalanta,
Atletico Madrid
Real Madrid ayaa tartanka ciyaareysa iyadoo ah kooxda difaacanaysa kadib markii ay ku guuleysteen markoodii 15-aad xili ciyaareedkii hore.
horyaalka Premier League Arsenal iyo kooxo kale oo miisaan culus sida CIty iyo Liverpool ayaa kasocda, La Liga Barcelona, Bundesliga Bayern Munich , Inter Milan oo ka socota Serie A iyo kooxda Ligue 1 ee Paris Saint-Germain ayaa dhamaan loo qiimeeyay kooxaha waweyn ee tartanka ciyaaraya.
Waxaa jira afar kooxood oo ku tartamaya tartanka ugu weyn Yurub markii ugu horeysay taraiikhda waana Bologna, Brest, Girona iyo Slovan Bratislava.
Dhanka kale, Aston Villa ayaa ah koox muddo dheer kadib kusoo laabatay Champions League, inkastoo ay ku guuleysteen 1982.