Halyeeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa qarka u saaran inuu si lama filaan ah ugu soo laabto Anfield dhamaadka bishaan.
Kabtankii hore ee Reds, oo lagu doodi karo inuu ka mid ahaa ciyaartoydii abid ugu wanagsanayd ee kooxda, ayaa hadda tababare ka ah kooxda Saudi Pro Leagueka dhisan ee Al Ettifaq.
Inkastoo kooxda ay haatan ku jirto kaalinta sideedaad ka dib markii ay 31 dhibcood ka heshay 22 kulan xilli ciyaareedkan, Gerrard ayaa dhawaan saxiixay qandaraas cusub oo soconaya ilaa 2027.
Laakiin 43-sano jirkaan ayaa ku soo laaban doona Liverpool 23ka Maarso, isagoo ka qeyb qaadan doona ciyaarta halyeeyada Liverpool ee ay la ciyaarayaan geesiyaashii hore ee Ajax.
Gerrard ayaa sannadihii u dambeeyay ahaa mid si joogto ah dib ugu soo laabanaya Liverpool iyadoo website-ka rasmiga ah ee Liverpool uu ku dhawaaqay inuu qalinka ku duugay inuu kulan kale u ciyaaro kooxda.
Waxa ay noqon doontaa kulankii sideedaad ee halyeeyada Liverpool, Gerrard ayaa la filayaa inuu ku biiro halyeeyada sida Daniel Agger, Fernando Torres, Maxi Rodriguez, Martin Skrtel, Dirk Kuyt, Jerzy Dudek iyo Sami Hyypia iyadoo mar kale xiran doona maaliyada Liverpool.
Ryan Babel ayaa lagu wadaa inuu u ciyaaro labada kooxood, halka Sven Goran-Eriksson la siiyay rabitaankiisa gaarka ah ee ah inuu qabto shaqada tababare ee Liverpool.
76 jirkaan ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu la ildaran yahay kansar, wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay inuusan waligiis helin fursad uu ku tababaro Liverpool oo ah koox ay isaga iyo aabihiis taageerayeen.
Taageerayaasha Liverpool ayaa ugu baaqay kooxdooda inay u rumeyaan riyadiisa, waxaana la xaqiijiyay in tababarihii hore ee England uu qeyb ka noqon doono tababarayaasha kooxda oo ay ku wehlin doonaan Rush, John Aldridge iyo John Barnes.