Chelsea iyo Manchester United oo ay min hal kulan oo Premier League ah oo kali ahi u hadhsan yihiin, ayaa hammigooda ugu weyn uu yahay inay kasoo qayb-galaan tartanka Europa League ee xilli-ciyaareedka dambe ee 2024-25.
Mauricio Pochettino oo ay kooxdiisu 2-1 ku garaacday Brighton habeenkii Xalay ayaa waxa ay si buuxda ugu soo fadhiisteen kaalinta lixaad iyagoo saddex dhibcood u jira Tottenham oo ay dhaafi karayaan haddii Spurs laga badiyo ciyaarta ugu dambaysa horyaalka. Sidoo kale, Manchester United ayaa 3-2 kaga adkaatay Newcastle United, waxayse wali Red Devils ku jirtaa kaalinta siddeedaad.
Ciyaarteeda ugu dambaysa horyaalka Premier League, Chelsea ayaa garoonka Stamford Bridge ku qaabbili doonta Bournemouth, halka Manchester United ay safar ugu tegi doonto Brighton.
Afarta boos ee tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe ee horyaalka Premier League, waxa mar horeba loo go’aamiyey Manchester City, Arsenal, Liverpool iyo Aston Villa oo xaqiiqsaday inay iyagu tartanka Champions League ku meteli doonaan kooxaha Premier League.
Chelsea iyo Manchester United ayaa fursadda kaliya ee u bannaan ay tahay inay ku dagaallamaan kasoo qayb-galka Europa League iyo sidoo kale Europa Conference League, waxaana hirdanka kula jira Tottenham iyo Newcastle United.
Sidee ayey Europa League ugu soo bixi karayaan Man United iyo Chelsea?
Mar haddii la go’aamiyey afarta kooxood ee tegaya Champions League, waxa hadda la sugayaa oo illaa maalinta ugu dambaysa la isku dheggenaan doonaa kooxaha tegaya Europa League iyo UEFA Conference League.
Kooxda kaalinta shanaad oo hadda ay ku jirto Tottenham ayaa waxa ay si toos ah uga qayb-geli doontaa Europa League, halka kooxaha lixaad iyo toddobaad ay soo geli doonaan isreeb-reeb adag. Chelsea ayaa waxa ay u baahan tahay inay guuleysato kulankeeda ugu dambee sidoo kalena Tottenham laga adkaado, si ay u xaqiijisato boos aan gorgortan lahayn.
Sidoo kale, Manchester United ayaa haddii ay ku guuleysato tartanka FA Cup waxa ay si toos ah uga soo qayb-geli doontaa tartanka Europa League xataa iyadoo ku dhamaysatay kaalinta siddeedaad.