Tababaraha kooxda Sporting Lisbon, Ruben Amorim ayaa ah tababaraha ugu cadcad in uu Jurgen Klopp ka badalo shaqada Liverpool.
Liverpool ayaa raadineysa bedelka Jurgen Klopp kaasoo ku dhawaaqay inuu kooxda isaga tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Waxaa markii hore shaqada lala xiriirinayay Xabi Alonso, laakiin xiddigii hore ee Liverpool ayaa go’aansaday inuu sii joogo kooxda Bayer Leverkusen oo qarka u saaran inay ku guuleysato Bundesliga markii ugu horeysay.
Amorim ayaana si dhakhso u noqday tababaraha ugu cadcad inuu qabto shaqada Anfield xilli ciyaareedka soo socda.
Tababaraha Brighton Roberto De Zerbi iyo tababaraha Jarmalka Julian Nagalsmann ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku jiraan liiska musharaxiinta Liverpool, laakiin tababaraha Sporting Lisbon ayaa ugu cadcad inuu bedelo Klopp.
Amorim, oo 39 jir ah, ayaa guulo badan la gaaray kooxda reer Portugal isagoo ku hogaamiyay horyaalkoodii ugu horeysay muddo 19 sannadood ah.
Sporting ayaa hadda hogaanka u haysa markale horyaalka, waxayna dhaliyeen 77 gool halka laga dhaliyay kaliya 26 gool.
Magacaabida Amorim waxay la macno noqon kartaa isbeddelka taatikada Liverpool kuwaas oo ku dheganaa taatikadii la tijaabiyay laguna guuleystay ee Klopp ee 4-3-3.
Tababaraha Sporting ayaase doorbida shax ciyaareedka 3-4-3 taasoo la micno ah in mid ka mid ah saxiixyadii ugu muhiimsanaa ee Klopp inuu booskiisa waayayo.
Shabakada Sportbible ayaa qortay sida ay shaxda Liverpool noqon karto haddii uu Amorim la wareego.
Goolka waxaa sii heysan doona Alisson oo booskiisa uusan muran ku jirin. Waxaa la filayaa in seddexda daafac danbe ay noqon doonaan Van Dijk, Konate iyo Joe Gomez inkastoo laga yaabo in tababaraha uu Sporting ka soo kaxeysto midkood Goncalo Inacio ama Ousmane Diomande oo lala xiriiriyay inay Premier League u wareegayaan xagaagan.
Afarta khadka dhexe waxay fursad weyn u noqon doontaa Alexander-Arnold oo heli doona xoriyad uu ku weerar tago isagoo aan ka walwaleynin inuu kubada difaacdo, waxaana uu kori karaa garabka midig. Ka soo horjeedkiisa waxaa isna ciyaaraya Andy Robertson inkastoo Klopp uu kula taliyay Liverpool inay la soo saxiixdaan xiddiga Wolves Rayan Ait-Nouri oo booskaas buuxin kara.
Wataru Endo waxa uu cadeeyay inuu yahay burburiye khadka dhexe oo adag sidaasi darteed mikood Mac Allister ama Szoboszlai ayaa buuxin doona booska kale ee khadka dhexe taasoo la micno ah in midkood uu keyd geli doono.
Seddexda afka hore waxaa la filayaa inay noqdaan Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo midkood Digo Jota ama Luis Diaz.