Newcastle United ayaa isku diyaarineysa inay dalab gaaraya 100 milyan ginni ka helaan Arsenal iyo Tottenham kuwaasoo ku dagaalamaya saxiixa Alexander Isak, sida ay qortay jariirada The Sun.
Laakiin tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaa uga digay kooxaha reer London in xiddigooda uusan iib ahayn.
Isak oo 23 sanno jir ah ayaa dhaliyay 14 gool oo Premier League ah 21 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.
Waxa uu si dhakhso u noqday xiddiga ay taageerayaasha jecel yihiin madaama uu yahay xiddig ku fiican gooldhalinta iyadoo Newcastle ay 60 milyan ginni uga soo iibsatay Real Sociedad 2022kii.
Laakiin waxaa jirta cabsi ah in Newcastle ay ku qasban tahay inay iibiso Isaka si ay uga baxsadaan sharciga dhaqaale wanaaga, gaar ahaan haddii ay u soo bixi waayaan tartamada Yurub.
Dalabyo waa weyn oo uga imaanaya kooxo Champions League ah waa ay adag tahay in la iska indhotiro.
Arsenal ayaa la aaminsan yahay inay durba isku diyaarineyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka 100ka milyan ginni lagu qiimeynayo.
Gunners iyo Spurs waxay sidoo kale isha kuwada hayaan weeraryahanka Brentford Ivan Toney oo isna la filayo inuu xagaagan ka tago kooxda oo u wareego koox weyn.