Shimbiro ayaa dul haabaya goob ku taala London, hooyo ayaa canugeeda ku riixaysa gaadhiga caruurta ee wadada beerta dhexdeeda, saddex caruur ah ayaa kubad ku ciyaaraya garoon yar cows cagaaran leh, iyo nin eeygiisa wata ayaa wadada maraya.
Waa sida uu ku bilaabanaya muuqaal film ah oo sanad ka hor lasii daayay oo laga sameeyay Harry Kane iyo Muragadiisii Arsenal.
Harry Kane oo da’yar ayaa kursiga kaydka kula fadhiya aabihiis, isagoo niyada u dhisaya.
Muqaalka waxaa dul saaran codka Harry Kane oo dhahaya:-
“Diidmada waa shay aad u dhib badan markaad caruur tahay,” ayuu yidhi, ‘markii aan siddeed jir ahaa, waxaa i sii daaysay Arsenal.
‘Aabahay waa kan ii sheegay.
Ma aanan gaarin da’da inaan si buuxda u fahmo macnaha diidmada.
Aabuhuna ma muujin wax calaamado niyad jab ah.
Intuu cududdiisa ii saaray ayuu igu yidhi “mar kale ayaanu guuleysaneena oo aad u sii dadaalaynaa oo aynu aragno halka ay ina gayso”.
‘Aabe ayaa markaas ii sheegay Tottenham inay i rabto.
Waxaan ka faa’iidaystay fursadda oo waxaan galay shaqo adag.
Waxaan ahaa mid quus ah inaan ka dhigo kooxda koowaad.
Laakin waa in aan sabro oo aan nafteyda aamino.
Waxaan ku fikiray nafteyda ka hor ciyaar kasta “waan sameyn doonaa. Waxaan u shaqeyn doonaa sida ugu adag ee suurtogalka ah.”
Laakin markaas amaah ayaa laygu diray.
Waxaa jirtay shaki nafeed laakiin ma aanan rabin in qofna ii naxariisto.
Waxaa jiray waqtiyo adag runtii. Waxaan ku celcelinayay naftayda “mar kale ayaan tageynaa oo aan sii shaqeyneynaa xitaa”. Waan ogaa inay fursaddaydu imanayso.
Fursada Kane way timid laakiin si fudud kumay iman.
Filimku waxa uu muujinayaa isaga oo fadhiya kursiga kaydka ee Spurs.
Waxay ku tusinaysaa midabada naadiyadii uu amaahda ugu baxay saddexdii xilli ciyaareed ee noloshiisa kubbadda cagta, ee Leyton Orient, Millwall, Norwich City iyo Leicester City.
Waxay tusinaysaa isaga oo keligii fadhiya qolka labiska, niyad jabsan oo quus ah.
Codka falanqeeye ayaa la maqlay isagoo qeexaya waqtiga Kane uu u dhaliyay gool muhiim ah dalkiisa ka hor inta uusan soo bandhigin fikradda ah ‘Kane waa dahabka qaaliga ah ee England’.
Kane Waxa uu ahaa wiil yar oo cayilan ee ay iska diiday Arsenal sababtoo ah ma uusan aheyn mid ku filan ciyaaraha fudud, mana ordi karin, waana sababta ay Arsenal ay iskaga diiday.
Kane ayaa imika isku diyaarinaya inuu ciyaaro kulankiisii 100aad ee England markay Finland ay ku wajahaan Wembley habeenka talaadada.
Isagu sidoo kale waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd ee England abid soo saartay.
Wuxuu u qalmaa mid kasta oo ka mid ah 99-kii kulan ee uu saftay ilaa hadda.
Hal kulan ayuu u jiraa qarnigisii laakiin waxa uu leeyahay karti, dadaal iyo niyad sami si uu ugu hogaamiyo England hal darbo oo kale oo uu ku qaado koobka weyn ee ay ka carareen mudada dheer.