Taageere kubadda cagta ah oo lagu magacaabo Charles Ogunmilade, ayaa laga mamnuucay ka qayb galka ciyaaraha muddo saddex sano ah ka dib markii uu baraha bulshada soo dhigay hadal cunsuri ah oo uu ku bartilmaameedsaday ciyaartoyga Arsenal ee Ghana u dhashay Thomas Partey.
Dhacdadan ayaa dhacday bishii April 2023 markaas oo Partey uu qasaariyay fursad qaali aheyd kulankii ay Arsenal barbaraha 3-3 la gashay Southampton.
Ogunmilade, oo ah qudhiisa Madow, ayaa fariin “weerar xun” ah ku qaaday xiddiga Arsenal.
Waxa uu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulashada in fursadaas loogu talo galay qofka caddaan ah hadalkaas oo u muuqday cunsuriyad weyn.
Fariinta weerarka ah ayaa loo sheegay booliiska, taasoo keentay in laga soo qabto gurigiisa Ogunmilade.
Markii dambe Maxkamada dhexdeeda, wuxuu ka yiri, “Anigu ma ihi qof cunsuri ah,” waxaan kaliya ka carooday fursada uu lumiyay.
Garsooraha maxkamadda Shaoni Myer ayaa qirashada hore ee Ogunmilade xukmiyay, waxana muddo saddex sano ah laga ganaaxay garoomada kubadda cagta inuu xaadiro.