Kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid ayaa dad badan ku noqday lama filaan, maamulka kooxda ayaana haatan isku diyaarinaya inay qaadaan talaabooyin adag.
Sida laga soo xigtay Cadena COPE, kooxda ayaa isku diyaarinaysa inay shaqada ka cayriso tababare Carlo Ancelotti.
Madaxda sare ee Real ayaa lagu soo waramayaa inaysan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka xiddiga cusub ee Kylian Mbappé xilli ciyaareedkan, waxaana eedaas qaadanay shaqaalaha tababarka.
Waxaa la saadaaliyay in hadii Ancelotti la ceyriyo bedelkiisa uu noqon doono Santiago Solari oo haatan ah agaasimaha kubada cagta kooxda.
Solari ayaa horay u soo leyliyay Real Madrid xilli ciyaareedkii 2018/19, laakiin waa laga eryay kaliya 28 kulan markii uu maamulay.
Xagaagii 2021, Ancelotti waxa uu dib ugu laabtay Real Madrid markii labaad si uu u noqdo tababaraha kooxda.
Isaga oo hogaaminaya, kooxda ayaa ku guuleysatay UEFA Champions League seddex jeer taariikhda, waxaana uu qaaday sidookale horyaalka Spain labo jeer.